Gudoomiyihi Barlamanka Hirshabeele oo taageeray go'aanki xildhibaanada

0
Tuesday August 15, 2017 - 10:59:19 in Wararka by
  • Visits: 2909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihi Barlamanka Hirshabeele oo taageeray go'aanki xildhibaanada

    (Jowhar) Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa goor dhow ayiday xil ka qaadistii Xildhibaanada Hirshabeelle shalay ku sameeyeen Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Jowhar) Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa goor dhow ayiday xil ka qaadistii Xildhibaanada Hirshabeelle shalay ku sameeyeen Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

Sheekh Cusmaan oo saaka gaaray magaalada Jowhar ayaa shir haraa’id oo uu ku qabtay waxaa uu sheegay in go’aankii ay gaareen Xildhibaanada ay tahay mid sharci ah oo dastuuri ah sida uu yir.

Waxaa uu sheegay in xilka si KMG ah uu u heyn doono Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe Xuseen, waxaa uu tilmaamay in dhowaan la soo magacaabi doono Guddi doorasho.

"Waxaa si sharci ah xilkiisa ku waayay, Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble, aqlabiyada baarlamaanka looga qaaday, waxaa la farayaa Madaxweyne kuxigeenka in muddo 30 maalmood si KMG ah xilka u sii haayo”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dastuurka Hirshabeelle uu farayo in muddo 30 cisho lagu soo doorto Madaxweyne.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay beesha uu ka dhashay Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble inay isku soo sharaxdo xilka laga qaaday

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Dhexe, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay arrintan ku garab istaagaan, isla markaana aanay ku dhinac marin.

Madaxweyne kuxigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aqbalay xilka lagu wareejiyay ee KMG, isagoo soo dhoweeyay in beesha uu ka dhashay Madaxweynihii hore ay soo sharaxato qofkii bedeli lahaa.

 

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan maamulka Hirshabeelle, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku biya shuban doonto, maadaama Madaxweynihii xilka laga qaaday uu wali diidan yahay.



 

 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip