Soo dhaweynti Xildhibaanada Mucaaradka ee Dhuusamareeb iyo Shakiga ku gadaaman.

0
Sunday March 22, 2020 - 19:01:34 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo dhaweynti Xildhibaanada Mucaaradka ee Dhuusamareeb iyo Shakiga ku gadaaman.

    Waxaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb xubno ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday hannaankii Doorashada Galmudug ee Dowladda Federaalka garwadeenka ka aheyd ee lagu doortay Axmed Qoorqoor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb xubno ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday hannaankii Doorashada Galmudug ee Dowladda Federaalka garwadeenka ka aheyd ee lagu doortay Axmed Qoorqoor.


Wadahadalo todobaadyadii u dambeeyay socday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo xubnaha Mucaaradka ayaa la isku afgartay in dib u dib heshiisiinta deegaanka laga shaqeeyo dhinacyada salluugsanaa hannaankii doorashada madal isugu yimaadaan, si looga gudbo caqabadaha jira, danta Galmudug laga shaqeeyo.

Wada hadaladaas ayaa ka dhashay in Guddi ka socda Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug ay tagaan Dhuusamareeb waxaana ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye, waxaana Xildhibaannadan iyo Madaxweynaha Galmudug ka wada hadli doonaan dardar gelinta dib u heshiisiinta, xalinta tabashooyinka ka dhashay Doorashada, si iyadoo loo dhan yahay Munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Galmudug looga qeyb galo.

Xildhibaannadan ayaa maanta Dhuusamareeb kula kulmay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, iyagoo kala hadlay sidii looga shaqeyn dib u heshiisiinta wixii tabasho ee ka dhashay doorashadana loo xalin lahaa.

Talaabadada geesinimada leh ee qaateen madaxda galmudug iyo xildhibaanada dowlada dhexe ayaa waxe su'aal weyn galisay dhanka muxaafidka oo iyaga shaki hoose ka qabo is fahamka xoogan ee iminka dhax maraya dowlada Galmudug iyo xildhibaanada ugu tunka weynaa mucaaradka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip