Mucaaradka dowlada Itoobiya oo la wareegay deegaano

0
Monday June 28, 2021 - 21:43:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka dowlada Itoobiya oo la wareegay deegaano

    Jabhadda Tigreega ee TDF oo todobaadyo dagaalo kula jirtay Ciidamada Itoobiya ayaa ugu dambeyn maanta la wareegay magaala madaxda Gobolka Tigray ee Mekelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabhadda Tigreega ee TDF oo todobaadyo dagaalo kula jirtay Ciidamada Itoobiya ayaa ugu dambeyn maanta la wareegay magaala madaxda Gobolka Tigray ee Mekelle.

Dabaal degyo ayaa ka bilowday magaalada Mekelle, iyadoo la arkayay dadweyne isugu soo baxay waddooyinka oo dabaal degaya, kuwaasoo wata calanka Tigray.

 
Ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Eritrea ayaa saacado ka hor isaga baxay magaalada Mekelle iyo hareeraheeda.

Maamulka Kumeel gaarka ee Tigray ee ay magacawday dowladda Itoobiya ayaa isaga baxay magaalada Mekelle.

Lix bilood ka hor ayay aheyd markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday inay ka adkaatay maamulka Tigreega, kaddib dagaalo culus oo ay ka qeyb qaateen Ciidamada Eritrea.

Itoobiya ayaa marxalad cusub gashay, la wareegitaanka jabhadda Tigreega ee magaalada Mekelle ayaa ka dhigan awooddii kooxdaas oo dib u soo laabatay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip