Mucaaradka iyo Dowlada oo marki ugu horeysay gudi-yeeshay

0
Tuesday May 04, 2021 - 15:00:04 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka iyo Dowlada oo marki ugu horeysay gudi-yeeshay

    Ra'isul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga ka kooban 11 Xubnood oo kasoo talo bixiyo sidii xal looga gaari lahaa Khala-laasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga ka kooban 11 Xubnood oo kasoo talo bixiyo sidii xal looga gaari lahaa Khala-laasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.


Rooble ayaa sheegay inuu Guddigaan magacaabay markii uu arkay qodobka 99-aad farqadiisa A,B iyo F ee Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, Qodobka 100-aad Farqadiisa A iyo B ee dastuurka iyo baaqii Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in Rooble uu la wareego Mas’uuliyadda Doorashada iyo Amniga.

Ra’isul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga ka kooban 11 Xubnood oo kasoo talo bixiyo sidii xal looga gaari lahaa Khala-laasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Guddiga la magacaabay ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Xasan Xundubey, waxaase ku jira xildhibaano iyo xubno ka tirsan mucaaradka

Guddiga ayaa wuxuu ka kooban yahay xubno ka tirsan Xildhibaanada Labada Aqal ee mucaaradka ah iyo kuwa taageersan Dowladda Soomaaliya, Sidoo kalana waxaa kasoo muuqday Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa guddigaan u xil saaray:

1- Xallinta caqabadaha saameeyey Ciidanka ee ka dhalatay Arrimaha Siyaasadda
2- Dib u celinta ciidamada kasoo baxay furumaha ee soo galay Magaalada Muqdisho
3- Baabi’inta calaamadihii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacay Muqdisho.

Rooble ayaa guddigaan faray inay muddo shan maalmood ah kusoo gaba gabeeyaan xal ka gaarista khilaafka ciidamada iyo xiisadda ka jirto Muqdisho.

Shaqada Guddigaan ayaa waxay ka bilaabatay maanta oo ay tariikhda tahay 4 Bisha May 2021.

Magacyada Guddiga la magacabay

Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Guddoomioye
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax Xubin
Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji Xubin
Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin
Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaalla Xubin
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Xubin
Senator Dhagey Geelle Ugaas Xubin
Senator Cabdi Aaden Dhuxulow (Dhagdheer) Xubin
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur Xubin
Xildhibaan Mahad Salad Xubin
 
 

Casimada

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip