Taageerayaasha Farmaajo oo helay war-farxadleh

0
Saturday April 24, 2021 - 13:43:07 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaasha Farmaajo oo helay war-farxadleh

    Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka kireystey gudaha dalka Maraykanka shirkad gaar ah si ay olole uga dhex sameyso kongreska dalka Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka kireystey gudaha dalka Maraykanka shirkad gaar ah si ay olole uga dhex sameyso kongreska dalka Maraykanka.

 
Shirkadan oo fadhigeedu yahay magaalada New Jersey oo la yiraahdo LFA Holdings ayaa bishii la soo dhaafay waxa ay kula heshiisay safiirka Somaaliya ee dalka Maraykanka in ay gacan ka geysato abaabulka booqasho uu ku tago Mareykanka Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Sida lagu daabacay wargeyska Foreignlobby.com Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykan Cali Shariif, ayaa siiyay lacag dhan 150,000 oo dollar oo diiwanagelin ah shirkada ka dhax ololeesa congrass Maraykanka waxana uu ka dalbay sidii Madaxweyne uu ku imaan lahaa Maraykanka uuna ula kulmi lahaa guddiga arimaha dibadda iyo xubno ka tirsan Maamulka Madaxweyne.

Arrintan ayaa dhacday bishii Maarso,xilli dowladda Maraykanka ay ka dalbaysay Soomaaliya in wada hadalka uu sii socda muddo kordhin aan la aqbali doonin.

Dowlada Maraykanka ayaa si aad ah uga hortimid muddo kordhinta uu sameystey Farmaajo waxaana general madaxda ka ah ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen Townsend uu ku tilmaamay muddo kororsiga inay ka xun tahay Alshabaab.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip