Sacuudiga oo difaacay go'aan muran dhaliyey oo la xiriira sameecadaha Masaajidada

0
Tuesday June 01, 2021 - 20:41:09 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo difaacay go'aan muran dhaliyey oo la xiriira sameecadaha Masaajidada

    Wasiirka Arrimaha Diinta ee Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii difaacay amar muran dhaliyey oo lagu xaddiday mugga dhawaqa sameecadaha Masaajidada, isaga oo sheegay inuu ka dhashay cabasho ka timid shacabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Diinta ee Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii difaacay amar muran dhaliyey oo lagu xaddiday mugga dhawaqa sameecadaha Masaajidada, isaga oo sheegay inuu ka dhashay cabasho ka timid shacabka.


Wasaaradad Arrimaha Diinta ayaa siyaasad culus oo ay qadaatay toddobaadkii tegay waxay ku amartay in sameecadaha aan laga dheereyn karin saddex meelood meel ka mid ah muggooda ama 33%.

Amarka oo sidoo kale isticmaalka sameecadaha ku xaddiday kaliya aadaanka, kana reebay khudbadaha iyo wacdiga kale, ayaa horseeday in si weyn looga falceliyo baraha bulshada.

Wasiirka Arrimaha Diinta Abdullatif al-Sheikh ayaa sheegay in amarkan uu jawaab u ahaa cabasho ka timid muwaadiniinta qaar oo aheyd in maqalka dheer uu carqalad ku yahay caruurta iyo dadka da’da ah.

"Kuwa doonaya inay tukadaan uma baahna inay sugaan….aadaanka Imaamka,” ayuu al-Sheikh ku yiri muuqaal uu baahiyey taleefishinka dowladda.

"Waa inay Masjidka sii joogaan kahor,” ayuu ku daray.

Sidoo kale dhowr taleefishin ayaa baahiya aadaanka iyo qur’aanka, ayuu sheegay al-Sheikh, isaga oo soo jeediyey in sameecadaha ay leeyihiin ujeedooyin kooban oo kaliya.

Sacuudiga oo ah dal ay ku yaallaan kumanaan Masjid, ayaa dad badan waxay soo dhoweeyeen tallaabada ay dowladda ku yareysay dhererka sameecadaha, hase yeeshee sidoo kale dad badan ayaa aad ugu dhaliilay baraha bulshada.

Sheikh ayaa sheegay in camaabreynta siyaasaddan ay faafinayaan "cadowga boqortooyada” kuwaas "oo doonaya inay kiciyaan ra’yiga dadweynaha.

AFP


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip