Dhageyso:-Dad careysan oo maanta banaanbax ka dhigay Muqdisho & Muran tagan

0
Sunday September 30, 2018 - 13:36:13 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Dad careysan oo maanta banaanbax ka dhigay Muqdisho & Muran tagan

    Banaanbax xoogan ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo dhigayeen Ganacsatada Malaayga ama kalluunka ku iibiya Kawaan Liido ee Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banaanbax xoogan ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo dhigayeen Ganacsatada Malaayga ama kalluunka ku iibiya Kawaan Liido ee Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir.

Ganacsatada kawaanka Liido iyo dad kale oo shacabka ahaa ayaa isugu soo baxay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ilaa Gurigii hore ee Maxamed Dheere,iyagoona socod ka soo bilaabay Liido.

Waxaa ay sheegeen Ganacsatada in ay cabasho ka yihiin ciidamo ka tirsan dowlada oo ugu yimid kawaanka Liido,kuwaasi oo ku amray in ay ka guuran.

Sidoo kale Ganacsatada kawaanka Liido ayaa sheegay in rag ka tirsan dowlada ay ka iibiyeen Haweeney goobta uu kawaanka ku yaallo,isla markaana la doonayo in Hotel laga dhigo.

Suuqii kawaanka Liido ee Degmada Cabdi casiis ee Gobolka Banaadir ayaa malintii shalay aheyd albaabada la isugu dhuftay, iyadoona kalluunkii shalay ilaa iyo hadda uu dhexyaallo.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip