Jaceylkii Khashuqji oo dooneyso iney caqabad ku noqoto Sacuudiga

0
Wednesday November 24, 2021 - 00:37:43 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaceylkii Khashuqji oo dooneyso iney caqabad ku noqoto Sacuudiga

    Gabadhii u doonanayd weriyaha la dilay ee Jamal Khashuqgi ayaa ugu baaqday Justin Bieber inuu joojiyo bandhig faneedka uu ku qaban doono Sacuudiga bisha soo socota.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadhii u doonanayd weriyaha la dilay ee Jamal Khashuqgi ayaa ugu baaqday Justin Bieber inuu joojiyo bandhig faneedka uu ku qaban doono Sacuudiga bisha soo socota.


Fanaanada reer Canada ayaa ka mid ah xidigaha lagu wado in ay ka qeyb galaan tartanka ugu horeeya ee Formula One Grand Prix ee Boqortooyada Sacuudiga oo lagu qabanayo Jeddah.

Laakiin Hatice Cengiz ayaa warqad furan u qortay Bieber iyadoo ku boorrinaysa inuu "fariin xoog leh u diro" isagoo meesha ka saaraya bandhig faneedkaas.

Khashoggi, oo ahaan jirey nin si weyn u dhaliila nidaamka Sacuudiga, ayaa lagu dilay qunsuliyadda dalkaasi uu ku leeyahay Istanbul bishii Oktoobar 2018.

Waxay sheegtay in Bieber uu haysto "fursad gaar ah" si uu u muujiyo in "magaciisa iyo kartidiisa aan loo isticmaali doonin in lagu soo celiyo sumcadda maamul dila kuwa dhaleeceeya".

Bieber ayaa lagu wadaa inuu cinwaan uga dhigo tartanka F1 5ta Diseembar, oo ay ku biirayaan fanaaniin ay ka mid yihiin A$AP Rocky, David Guetta iyo Jason Derulo.

Human Rights Watch ayaa sidoo kale ugu baaqday Bieber iyo fanaaniinta kale inay ka baxaan barnaamijka F1, iyadoo sheegtay in dhacdooyinka looga dan leeyahay in laga weeciyo diiwaanka xuquuqda

aadanaha ee Sacuudi Carabiya.

line
Analysis box by Frank Gardner, security correspondent

Frank Gardner oo faallooda arrimaha ammaanka wuxuu sheegay, sheekada iney gadaaman yihiin laba arrimood oo iska hor imanaya.

Midda koobaad, waa wararka ay sida weyn isula dhex marayaan warbaahinta dowladda Sacuudiga, oo ay ku sheegayaan qoyska Khaashuqji iney dilaaga ay cafiyeen. Iyada oo la sheegay inuu cafiska qoyska uu ku dhawaaqay Salah oo ah wiil uu dhalay Khaashuqji, ee la duubay isaga oo uu u tacsiyeynayo dhaxlasuagaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan oo looga shaki qabo inuu dilka Khaashuqji uu ka dambeeyey.

Balse Salah ayaa weli ku nool Sacuudi Carabiya, sidaa darteed cafiska uu dilka aabbihii ka fidiyey ayaa shaki laga muujiyey.

Sida ay uga hortmid gabadhi u doonneyd Khaashuqji iyo Wakiilka qaramada midoobay codsiga ay soo jeedisay ee ah in baaritaan madax bannaan dilkan lagu sameeyo inuu Sacuudiga wax qarinayo. Waxayna aaminsan yihiin weli in dilka Khaashuqji loo baahan yahay inuu caddaalad helo.

Warbaahinta Sacuudigana waxay ahimiyad gaar ah siiyaan oo dilka Khaashuqji uga muhiimsan cudurka safmarka ee ka coronavirus ee dalkaasi ka dillaacay iyo dakhliga saliidda ka soo galayey ee hoos u dhacay.

line
Saalax Khaashuqji (dhanka bidic), dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan (dhanka midig)

XIGASHADA SAWIRKA,HANDOUT/AFP

Qoraalka sawirka,

Saalax Khaashuqji (dhanka bidic), dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan (dhanka midig)

Jamaal Khaashuqji maxaa ku dhacay?

Wariye Jamaal Khaashuqji wuxuu musaafiris iskii ah uu tani iyo 2017-kii ugu maqnaa dalka Mareykanka, ilaa uu 2-dii Oktoobar ee 2018-ka uu qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul uu u soo doontay dukumantiyo uu u baahnaa oo lagu xiray guurka gabadhi u doonneyd Hatice Cengiz.

Baarayaasha dilkaasi waxay aaminsan yihiin in la dilay jirkiisana la baab'iyey xilli ay gabadha u dooneyd dibadda ku sugeysay, iyada oo dilkiisa iyo sida uuu dhacay oo dhan la qariyey.

Mas'uuliyiinta Sacuudiga waxay in mudda ah ku doodayeen inuu dhismaha qunsuliyadda uu ka baxay isaga oo nabad qaba iyaga oo marar badan bedbeddelay hadallada ka soo baxaya Sacuudiga toddobaadyo kaddib marki Khaashuqji la waayey.

Faahfaahinnada ka soo baxaya dilka Khaashuqji loo geystay caalamka oo dhan ayaa la anfariiray iyada oo madaxda ugu sarreysa Sacuudiga oo uu dhaxal sugaha boqortooyada ka mid yahay dilka lala xiriiriyey.

Balse dhaxal suagaha boqortooyada wuu dafiray dilka inuu ka dambeeyey, isaga oo sheegay inuu mas'uuliyadda dilka uu dusha saaranayo ka mas'uul Sacuudi Carabiya ahaan, gaar ahaanna marki dadka dilka lagu tuhmayo ay noqdeen kuwa u shaqeeya dowladda Sacuudiga".


BBC

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip