Dowlada Soomaaliya oo lagu eedeeyay iney lunsatay Dhaqaalo

0
Tuesday May 11, 2021 - 13:35:26 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Soomaaliya oo lagu eedeeyay iney lunsatay Dhaqaalo

    Madaxweynihii hore Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya isaga oo sheegay xayirtay aduun lacageed oo dhan $35 milyan oo loogu talagalay in wax lagaga qabto fatahaada soo noq noqtay ee dee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya isaga oo sheegay xayirtay aduun lacageed oo dhan $35 milyan oo loogu talagalay in wax lagaga qabto fatahaada soo noq noqtay ee deegaannada Hishabeelle

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter ka ayuu ku eedeeyay Wasaarraddaha Maaliyada, Qorsheynta iyo waliba in ay ku lug lahaayeen joojinta lacagtaas oo ay dowladdaha Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ku deeqeen.

'''Waa wax laga xumaado in ay deeq lacageed oo dhan $35 milyan dowladda Soomaaliya iska hortaagto in wax loogu qabto dadka ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle, gaar ahaan Wasiirradda Qorsheynta, Maaliyada iyo Baaraha oo arrinta ku lug lahaa'' ayuu yiri Waare.

Eedeynta madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa imaneysa xili magaalada Jowhar inteeda badan ay rogmadeen dadaad ka soo fatahay wabiga Shabeellaha oo karkaarada jabsaday, halka dhinaca kalana magaalada Beledweyne Wabigu gaaray xaadkii loogu tala-galay inkastoo dadaallo la sameeyay lagu guuleystay in Wabiga laga neefo meelo kala duwan.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip