Madaxweynaha "Dowlada Soomaaliya Iyo Shacabkeeda Waxay Mahad Balaaran U Jeedinayaan Dowlada Imaaraadka Carabta"

0
Sunday September 25, 2016 - 14:29:12 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha "Dowlada Soomaaliya Iyo Shacabkeeda Waxay Mahad Balaaran U Jeedinayaan Dowlada Imaaraadka Carabta"

    Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amaanay dowlada Imaaraadka Carabta iyo shacabkeeda doorka ay ka qaadanayso dib u dhiska dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amaanay dowlada Imaaraadka Carabta iyo shacabkeeda doorka ay ka qaadanayso dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigiisa sharciga ah uu Dhamaaday ayaa tilmaamay in la xoojin doono xiriirka ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Imaraaddka Carabta haatan iyo Mustaqbalka Soo Socda,

"Dowlada Soomaliya iyo shacabkeeda waxay mahad balaaran u jeedinayaan dowlada Imaaraadka Carabta oo ka teegereysa Soomaaliya dhinaca Nabad Galyada, dhinaca gar-gaarka, iyo Hormarka,waxaan eegaynaa in si wadajir ah aan ugu wada shaqeyno sidii la iska kaashan lahaa dhamaan qodobadaas” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud ayaa ku amaanay Dowlada Imaaraadka Carabta doorka ay ku leedahay maalgashi lagu sameeyo dalka iyo kobaca dhaqaalaha.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale u tartamaya doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka ayaa sheegay in la sii xoojin doono xiriirka Labada dalka haduu uu ku Guuleysto xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip