Jawabtii Sallaamaley iyo Abwaan Khaliif Faarax Xayir
- Visits: 5153
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Gabaygan oo ah Gabaygii Labaad ee Silsilada siinleeyda cusub ee Sallaamaley magaciisa waxaa la yidhaahdaa Samadoon Gabaygan oo jawaab u ah gabaygii hore ee Sallaamaley uu soo tiriyey saaxiibkay (Xasan Abiib Faarax) oo ka hadlayay Hanaanka iyo horumarka iyo dhibaatooyinka si guud iyo si gaaraba Labada Gobol ee Somalia iyo Somaliland ayaa waxaan jeclaystay inaan si dhexdhexaadnimado ah inaan uga jawaabo sida aniga aan u arko inay saxantahay ama ila qurux badan. marka kale silsiladani maaha mid bello abuura, maaha mid xuma raadis ah, waxaa loola jeedaa in dhalinta soomaliyeed ku soo gudbiyaan dareenkooda Hal- abuur iyo suugaantooda cusub iyo inay noqotay albaabka wada hadalka iyo is fahanka, Dadka ku hadla af soomaaliga Silsiladani maaha (Guba) waxaa ka mamnuuca magac beeleedka iyo aflagaadada qaawan ee shaqsiyaadka iyo maamulada balse maamulada jira haddii ay jirto dhaliil dhab ah waa loo soo jeedin karaa waana laga doodi karaa mahadsanidiin waana kan Gabaygii Samadoon :- SAMADOON:-
Xassanoow salaan wacan guddoon, sooryo iyo deeqba
Suugaanta waad tirin taqaan, sadarka maanseede
Anigoon siyaadana ku darin, sadarna aan dhaafin
Siinlaydii aad nagu xidhaan, saaka furayaaye
Su´aalahaad na waydiisay baan, saafayaa idile
Jawaabaha hadaan seeginoo, siiyo marinkooda
oon saxo waxaan sugayo waa, sooryadaad tidhiye
Salli iyo dermiyo waa kalgacal, sacab tumkaagiiye
Waxaan sugayo waa sacab mashxarad, ubaxyo saarkiiye
Sallaamalay jawaabteedii hoo, waanigan sida´e.
Sooyaalka taariikhdu waa, noo silsilad dheere
Saban hore waxay soo mareen, idilba soomaali
Usifaysay ruux waliba, suu doonayee rabo .
Hayeeshee masoo gaadhin ani, bari samaadkiiye
Sebi baan ahaa hooyadii, dhabarka saartaaye
Sintay igu sidaye ma anigaa, joogay silicaaba
Saxariirta aad sheegtay iyo, saban abaareedka
Markuu saancadaaluhu bulshada, saafay hilibkooda
Siday wax udhaceen iyo sidii, shacabka loo laayay
Sooyaalka waan ka akhriyoo, heley sirteedii
Soomaalidii gumeysiga rabtaa, Sababay ciilkaase
Haddii aan saf noqon layn marnaba, nama dul seexeen
Inta uu na kala soocay buu, soohdin noo dhigaye
Dhulkuu saatir nagu beerey buu, yeelay suu rabaye
Sideetaniyo Sanad gaw ah baan, silic kunoolayn
Indhihiisa sebi baan xornimo, saarin waligiise
Gumaysiga markaan saarnay ee, siibnay calankiisa
Sida kuma samrine surin ayuu, noogu soo jiraye
Soomaali laba gobola baa, heley sedkoodiiyee
Seddexdii maqnaa soo ceshaan, sugaynay maantaase
Hayeeshee sidaa maysan dhicin, mana ay suuroobin
Saadaashii aan maaganayn, seegnay idilkeen
Siduu doono yeelaan marnaba, abid wax seegeyn
Soortaan cunayniyo hadday, tahay sidaad doonto
Waxaan samada laga yeelinoo, laga saxiixaynin
Sahal laguma helo xaajadaan, saatir laga tuugin
Markii uu siraadkii midnimo ,gaadhay samadoo dhan
Sareedada markaan gaadhnaye, saracu noo beermay
Soomaaliyeey toos markuu, qaybay sebigeenu
Waa tii belada lagu saliday, idilba soomaali
Waatii sokeeyuhu is dilay, seedi xididkiise
Waxaan naga sal guurayn qabiil, soo jiroo dhicine
Saami qaybsi beeleed haddi, laguba suureeyo
Siyaasadi xumata marnaba, waanay soconayn
Somaliland horumarkiyo, samaha guusheeda
Socodkay dhaqaaqdiyo sidii, nabada loo seesey
Soomaali magaceedii bay, sare u qaadeenee
Waan soo dhowaynoo waxaan, saaray madaxaase
Hayeeshee sinjiga aan nahiyo, magaca soomaali
In siyaasad xumidii la saxo, waa sidaan rabo´e
Oo aan saf noqonoo is cafino, waa sidaan rabo´e
Sadrigoo la xaadhaa runtii , waa sidaan rabo´e
Sokeeyaha midowgiis runtii, waa sidaan rabo´e
Isku soo noqdoo wadajiraan saaxiib leeyahaye
Su´aashaadi ma uheley jawaab, oo ma saxay saaka
Mise seegeyoo anigu waan, dhaafay samaheeda .
Waxaa tiriyey
Khaliif Faarax Xayir
sarahaye@hotmail.com
Jawabtii Sallaamaley iyo Abwaan Khaliif Faarax Xayir
Gabaygan oo ah Gabaygii Labaad ee Silsilada siinleeyda cusub ee Sallaamaley magaciisa waxaa la yidhaahdaa Samadoon Gabaygan oo jawaab u ah gabaygii hore ee Sallaamaley uu soo tiriyey saaxiibkay (Xasan Abiib Faarax) oo ka hadlayay Hanaanka iyo h