Taabid Cabdi Waa Shaqsigii Faafiyay Sirtii Fariin Qoraaleedka Xasan Sheekh Iyo Faarax Cabdiqaadir.

0
Friday April 14, 2017 - 08:13:55 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 6025
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taabid Cabdi Waa Shaqsigii Faafiyay Sirtii Fariin Qoraaleedka Xasan Sheekh Iyo Faarax Cabdiqaadir.

    Ka hor inta aan loo magacabin Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka waxaa uu buuq iyo khilaaf xun ka dhex dhaliyay Taabid Cabdi Maxamed Qoyska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka hor inta aan loo magacabin Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka waxaa uu buuq iyo khilaaf xun ka dhex dhaliyay Taabid Cabdi Maxamed Qoyska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Sida ilo wareedyo muhiim ah u sheegay Xogta Media Taabid Cabdi oo Agaasime kuxigeen ka ahaa Madaxtooyada xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu si hoose u bixiyay sir ama fariin qoraal dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Faarax Sheekh C/qaadir.

Fariin qoraaleedkaas ayaa Xasan Sheekh oo markaas ahaa Madaxweynihii dalka iyo Faarax C/qaadir oo saaxiibo ahaayan wax badan ka dhaxeeyay had iyo jeer is dhaafsanayan fariimo arrimaha siyaasadda dowladda iyo dalka looga hadlayay, maadama Taabid uu ahaa ninkii Mobelka (Telefoonka Gacanta) Madaxweynaha gacanta ku hayay si fudud ayuu ku bixiyay farimahaas oo markii dambe meelo badan lagu daabacay.

Arrintaas waxay dhalisay buuq iyo qaylo maadama Xasan Sheekh sidoo kale ogaaday in Docomentiyo Sir ah oo Madaxtooyada yiilay inuu bixiyay Taabid Cabdi.

Is qabqabsi dhex maray Taabid Cabdi iyo Madaxweyne Sheekh kuna saabsanayd bixinta Docomentiyada iyo fariin qoraaleed Mobelka Madaxweynaha laga bixiyay taasi waxay sababtay Xasan Sheekh inuu iska eryo Taabid Cabdi maadama waalid u ahaa oo Gabar Xasan Abti u ahaa qabay Taabid.

Nuurto Sheekh Maxamud oo ah gabadha ka weyn Madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana ah hooyada dhashay xaaska Taabid Cabdi ayaa ka carootay xil ka qaadista lagu sameeyay wiilkeeda waxayna sababtay in maalin walba shirkadda NGO-yada iyo kuwa deeq bixiyaasha ku weerarto Walaalkeeda iyadoo markaasi la safatay wiilka gabadheeda qabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhibsaday carada walaashiisa ayaa markii dambe Taabid Cabdi u magacabay Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya Mareykanka si uu qaylida iyo buuqa walaashiisa isaga dejiyo.

Sannadkii 2013-kii ilaa 2014-kii, waxa uu ahaa Sii-hayaha Agaasimha Madaxtooyadda iyo Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha iyo Maareynta Hawlgalladda ee Xafiiska Madaxweynaha Somalia.

Taabid Cabdi cadawtinimadii u qaaday abtigiisa Xasan Sheekh Maxamud kama hor istaagin magacabista Safiir kuxigeenka soomaaliya ee Mareykanka waxaa uu meeshiisa ka sii waday colaadii kala dhaxeysay Xasan oo ka dambeysay shaqo ka erintii Villa Soomaaliya waxaa uu raadiyay musharixiin jago madaxweyne u tartamaysa isagoo markii dambe ku xirmay ninka la aaminsan yahay inuu u shaqeeyo Sirdoonka Qadar Fahad Yaasiin kaas oo sabab u ahaa tiirka wada shaqeyn ee Farmaajo iyo Taabid Cabdi.

Maalintii 8 Feb 2017 doorashada Madaxweynaha dhacday kulankii deg deg ahaa yeesheen Madaxweynaha guuleystay iyo midka laga guuleystay iyo Saraakiisha Amisom ayaa markii Farmaajo la weydiiyay cida ku wehelinaysa shirka waxaa uu dalbaday Taabid Cabdi taas oo la yaab ku noqotay Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiin badan ayaa ku tilmaamay habka aan wanaagsanayd ee Taabid Cabdi ula dhaqmay Xasan Sheekh inay tahay labo wajiilnimo iyo munaafaqnimo weligeed dambe la isku aamini doonin, waxayna sheegan diblomaasiyiinta inuu abtigiisa dhabarka ka toogtay.

Farmaajo wuxuu isku deeyay Taabid Cabdi inuu u magacabo Agaasimaha Madaxtooyada balse dib ayuu uga laabtay, waxaana la raadiyay fursad Wasiir hase yeeshe 5 ta Golaha Sare nimanka lagu magacao oo ay ka mid yihiin Fahad, Farmaajo, Taabid Cabdi, C/shakuur iyo qof shanaad ayaa waxaa la go’aamiyay Taabid Cabdi in laga dhigo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa la raadiyay fursad beesha Wacbuundhan abgaal Wasiir loogu magacabo.

Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow ayaa noqday dhibanaha beeshiisa waxaana lagu khasaariyay jago Wasiir taasina waxay fursad ballaaran siisay magacabista Taabid Cabdi .

Teamka Madaxweyne Farmaajo waxay u arkaan Taabid Cabdi oo Gobolka u maamula fursada ugu wanaagsan ee ay ku hoos noolaan karaan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan intaba.

Gobolka Banaadir waa Gobolka keliya ee siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba maamusho Villa Soomaaliya sidaas darteed hadana waa Gobolka keliya ee wax saami ah ku lahayn aqalka sare ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, maalinta sabtida ayaa lagu wadaa Taabid Cabdi inuu xilka Maamulka Gobolka Banaadir kala wareego Yuusuf Jimcaale, waxuuna maanta Taabid ka ambabaxay magaalada Nairobi oo maalmo uu joogay isagoo gaaray Muqdisho.

Marka uu xilka la wareego waxaa la magacabaya kuxigeenada Gobolka kuwaas oo dhamaantood ka amar qaadanaya Taabid Cabdi.

Dhaqaalaha Garoonka, Dekedda iyo Ganacsiga magaalada ka imaanaya ayaa la filayaa in Taabid Cabdi ku yeesho awood ballaran isla markaana Dhaqaale badan ka tabcado mudada uu xilkaasi hayo.

AKHRISO FARIIN QORAALEEDKA UU FAAFIYAY TAABID

Mooshin - xasan sheekh6sir2????????????????????????????????sir5Sir6sir7sir8sir9sir1062015914635777910174257752kenyachinasir132015914635777910174257752kenyachinasir15sir16sir17sir18sir19sir20sir21sir22sir23141121050553_nicholas_kay_640x360_bbc_nocreditMembers of al shabaab ride in a pick-up truck outside somalia's capital mogadishu141121050553_nicholas_kay_640x360_bbc_nocredit127eey-baaritaansir28sir29sir30sir31sir32

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip