Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka Somaaliyeed.
Wafdiga uu hogaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uliyiin ka tirsan dowladda Soomaliya sida Xildhibaano wasiiro, iyo Saraakiil Ciidan iyo qaar kamid ah Waxgaradka Gobolka Hiiraan ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hada macada Ujeedada uu Ugaas Xasan Ugaas Khaliif u yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu u yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa horey ugu biya diiday in uu Muqdisho yimaado xiligii uu Xilka hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Maanta Muqdisho Soo Gaaray
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka Somaaliyeed.