Maamulka Idaacada Shabeele Maxa Tarsan Daba Dhigay??

0
Wednesday April 11, 2012 - 13:35:10 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Idaacada Shabeele Maxa Tarsan Daba Dhigay??

    maamulayaasha raadiyaha shabelle ayaa mar kale bilaabay dagaal qabow kaasoo ay kala horjeedaan Gudoomiyaha Maamulka G.banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho,Idaacada shabelle waxay ka mid tahay FM-yada Muqdisho ka jira ee lookalka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maamulayaasha raadiyaha shabelle ayaa mar kale bilaabay dagaal qabow kaasoo ay kala horjeedaan Gudoomiyaha Maamulka G.banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho,Idaacada shabelle waxay ka mid tahay FM-yada Muqdisho ka jira ee lookalka ah.
Raadiyaha shabelle ayaa xalay ilaa saaka waxaa ay aad ugu soo celcelisay warar badankood la sameeyay oo aan xaqiiqda ku fadhin si toos ahna ay saxaafad ahaan iyagu ugu lug leeyihiin inkastoo mararka qaar ay adeegsadaan rag siyaasada ku jira kuwaasoo ay si hoose ula hadlaan amaba noqon kara siyaasi awalba meel uu u soo mara la'aa maamulka G.banaadir.

Dagaalka qabow ee maamulayaashu wadaan bilowday kadib markii shalay Gudoomiyaha G/banaadir uu sheegay in raadiyayaasha qaar loo adeegsado buun buuninta colaadaha iyo waliba sheegida wararka ay soo sheegaan siyaasiyiin uu ku sheegay kuwo ka faa'iideysanaya marxalada kala guurka ee dalku ku jiro kuwaasoo qalqal gelinaya amaanka Caasimada sida Tarsan uu sheegay.

Inkastoo Gudoomiye Tarsan uusan magac idaacad sheegin hadana waxa muuqata in shabelle isu tirtirsiiyeen in iyaga loola jeeday ayna sidaa u bilaabeen inay warar la sameeyay ka faafiyaan mas'uulka u sareeya maamulka G/banaadir,wali wax jawaab ah Tarsan xagiisa kama soo bixin sida lagu barteyna badiyaaba kama hadlo wararka la sameeyay.

Dagaalka siyaasadeed uu wado maamulka idaacada ayaa waxaa loo adeegsanayaa wariyayaasha ka howlgala idaacada kuwaasoo ku qasban in siyaasada maamulkooda ay ku shaqeeyaan xitaa iyadoo laga yaabo in wariyaha aqrinya uu si shaqsi ah raali uga ahayn waxa loo dhiibayo ee uu codkiisa ku baahinayo isagoo adeegsanaya makaroofanka raadiyaha.

Wararka ugu badan ee saaka idacadaasi laga sii daayay ayaa ah in G/banaadir u hanjabay warbaahinta iyagoo ku hoos qarinaya raadiyaha shabelle,waxay idaacadu soo xigatay saaka xildhibaan iyo Jen.indhacade.

Wariye ka tirsan idaacadaasi ayaa in badan ku soo celceliyay warar aan xigasho lahayn taasoo xadgudub ku ah sharciga saxaafada ,wariyahaasi xitaa waxaa uu qatar u yahay in maxkamad la soo taago warkiisa oo aan xigasho lahayn kuwasoo eedeyn loogu jeedinayo Tarsan oo ah gudoomiyaha G/banaadir

Warbaahinta madaxa banaan ayaa aad ula yaaban qaabka qaawan ee idaacada shabelle ugu tumaneyso sharciyada saxaafada madaxa banaan iyadoo dano gaar ah la raadinayo lagana fikirn xitaa in si dadban wax loo raadsado.

Sidoo kale maaha maamulka G/banaadir kaliya waxa raadiyaha shabelle uu la dagaashan yahay ee waxaa jira in guud ahaan jiritaanka dowlada ay idaacadaasi lidi ku tahay ayna aad u buunbuuniso wararka lidiga ku ah dowlada.

Warbaahinada madaxa banaan hadii ay wax tabanayaan sidee wax u raadshaan

Sida lagu yaqaan warbaahinta madaxa banaan ee ilaalisa sharciga saxaafada marka ay siyaasi, shirkado ama dowlad wax ka tabanayaan waxaa ay ku cabiraan cabashadooda xilkasnimo iyagoo adeegsada ereyo dadban oo qofka ay khuseyso u fahmi karo hase yeeshee aaney bulshadu wada fahmi karin.

Maxaa ka maqan Maamulka idaaada shabbelle

Maamulka idaacada shabelle sida lagu ogaaday baaritaano la sameeyay waxaa ku shaqeeyaan ama wax ku mucaaradaan waa labo dariiqo.
mida 1aad waxaa la sheegay inay tahay milkiilaha oo doonaya in sidii milkiilihii Hornafrik oo kale inuu ilaa heer wasiir uu ka helo dowlada walow agaasimahaasi uusan wadadaani u marin xilka.

mida 2aad waxaa la rumeysan yahay in qaab qabyaaladeysan maamulayaasha raadiyuhu wax ku wadaan

Siyaasada xegee laga soo galaa?

Waxaa aad ugu batay wararka idaacada shabelle ay faafineyso saacidihii ugu danbeeyay in Tarsan uu siyaasada ka soo galay isagoo qurbaha joogi jirey halkaasna lacago uga soo ururin jirey maxkamadihii Islaamiga ahaa sidaana uu ku soo galay islamarkaana aanu ahayn siyaasi ku xeel dheer arimaha siyaasafa.

hadaba waxaa is weydiin mudan sidee siyaasada lagu soo galaa goormeese la soo galaa waa marka la eego qaanuunka caalamiga ah ,su'aashaas waxaa jawaab cad u ah 4 qodob oo muhiim ah kuwaasoo kala ah:-
1-in qof isaga iskiis u go'aansado inuu siyaasada ku biiro wado kasta ha u maree

2-in jaamacad uu uga soo baxo kadibna sidaa dalkiisa ugu shaqeeyo ama xitaa jaamacado kale oo maadooyinka kale lagu barto ah macnaha u ahaado qof wax yaqaan.

3-in bulshadu doorato isagoo gurigiisa iska jooga sidaana uu siyaasada ku soo galo
4-inay dani ku kalifto iyo kuwo kale oo badan

Dhanka kale waxaa su'aashu tahay Tarsan aqoon ma leeyahay, haa dabcan wuu leeyahay, shaqadii siyaasada lagu yaqaanay ma qabtay mise ma qaban,haa dabcan wuu qabtay oo raadiyaha shabelle isagaa ku celcelinaya.

Hadaba shabelle aan weydiinee ma iyagaa bixiya kaarka siyaasada lagu soo galo teeda kale ma waxaa jira cid ku dhalatay iyadoo siyaasada ku dhex jirta taas jawaabteeda akhristayaasha ayaan u deynay

Raga iyo hablaha maanta caanka ku ah siyaasada xagee ka soo galeen?

Hadii akhriste la dhaho hebel xagee siyaasada ka soo galay waxaa macquul ah in rag badan xitaa loo weyn doono meel ay ka soo galeen lana arkay iyagoo uun xabad ridaya, Tarsan hada siyaasada meel la yaqaan inuu ka soo galay waxaa qirsan maamulayaasha raadiyaha shabelle iyo wiilsha 30-ka doolar ku shaqeeya ee la qasbayo.

Tusaale akhriste waxaa jira madaxweynayaal caan ka ah dunida oo markii ay yaraayeen nolosha tan ugu liidata soo maray kadibna magac ku yeeshay dunida sidaa daraadeed qof taariikhdiisa siyaasadu dib uma fiiriso laakiin waxaa macno sameynaya waxa uu hada qabanayo.

Siyaasiyiinta qaar oo iska jecel inay idaacadaha la hadlaan ayay maamulayaasha shabelle u adeegsanayaan inay wax ka sheegaan maamulka G/banaadir iyadoo hada xildhibaan C/qaadir C/laahi Diiriye Cadaawe iyo indhacade durba makaroofano laga dhigtay.

Ugu danbeyn waxaan xasuusineynaa siyaasiyiinta ay ku qaldayaan dheh maamulku wax ma qaban inaaney jirin cid amaanka dalka wax ka qaban karta xiliga lagu jiro ilaa in Alle xagiisa ay laga soo aqbalo maahee.

Waxaa Qorey: Ugaas Xuseen Xasan


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip