Mad, Raas Caseyr oo Puntland si kulul ugu jawaabay

0
Tuesday May 15, 2012 - 10:21:47 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mad, Raas Caseyr oo Puntland si kulul ugu jawaabay

    Madaxweynaha maamulka Raas Caseer oo ay maalinimadi shalay maxkamad kutaalo maamulka Puntland ay ku xukuntay dil toogasho ah ayaa waxa uu si kulul uga hadlay xukunkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Raas Caseer oo ay maalinimadi shalay maxkamad kutaalo maamulka Puntland ay ku xukuntay dil toogasho ah ayaa waxa uu si kulul uga hadlay xukunkaasi.
Madaxweynaha maamulka Raas-caseer Faarax Max’uud Yuusuf (Dooxa-joog) ayaa kutilmaamay go'aanka maxkamada Puntland riyo maalmeed aan waxba udhimi doonin isaga iyo siyaasayiinta kula bahoobay maamulka Raas Caseyr Land ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Raas-caseer Faarax Max’uud Yuusuf (Dooxa-joog) ayaa sidoo kale sheegay in marki hore ay qeyb ka ahaayeen dadki dhidibada utaagay maamulka Puntland hasa yeeshe maamul xumada kudhisan sadbursiga ay u adkeesan waayeen sidaas darteedna ay go'aansadeen iney ka tashadaan aayahooda.

"Anaga kaliya maaha ee waxa jiro maamulo dhowr ah oo kasii farcamay Puntland kadib marki ay fashilantay, fashilkana wuu sii socon doonaa ilaa iyo inta uu meesha joogo Faroole", ayuu yiri madaxweynaha Raas Caseyr Faarax Maxamud Yuusuf.

Hadalka Madaxweynaha Raas Caseyr ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili maxkamad kutaalo maamulka Puntland ay dil toogasho ah kuxukuntay isaga iyo mas'uuliyiin kula bahoobay maamulkaasi.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip