Maxey Shirka Guriceel uga hadleen Ahlusunah & Itoobiya?

0
Monday June 25, 2012 - 18:01:02 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxey Shirka Guriceel uga hadleen Ahlusunah & Itoobiya?

    Wararka ka soo baxaya degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud ayaa sheegaya in saraaakiil Itoobiyaan ah iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca uu wada hadal uga bilaawday degmada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka soo baxaya degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud ayaa sheegaya in saraaakiil Itoobiyaan ah iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca uu wada hadal uga bilaawday degmada. Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in kulanka dhaxmaraya labada dhinac intiisa badan looga hadllayo xaalada nabad-galyo ee gobollka iyo sidii ay dib ugu laaban lahaayeen goobihii ay dhawaan isaga soo baxeen ee ka tirsan gobollka Galguduud.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw kulanka ayaa sheegaya in sababta keentay wada hadallada labada dhinac marka laga soo tago xaaladaha nabad-galyo yihiin kuwo salka ku haya khilaaf soo kala dhaxgalay saraakiisha Ahlu Sunna iyo kuwa Itoobiya oo la xiriira xaaladaha dhaq dhaqaaqyada militari ee ka jira bartamaha dalka Soomaaliya.

Wada hadallada u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo saraakiisha Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay qaataan labo cisho ayaa lagu wadaa in ugu danbeytii laga saaro go’aan mid ah oo ay si wada jir ah uga qaataan saraakiisha labada garab xaaladaha militari ee ka jira gobolka Galguduud.

Deegaanno ka tirsan gobollka Galguduud oo ay ka mid tahay degmada Ceel-buur ayaa waxaa isaga baxay kol hore ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku hayay, waxaana xiligaa la sheegay in uu jiro khilaaf soo kala dhaxgalay labada dhinac.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip