Daawo Sawirada Shirka Roma ee xiliga kala guurka Somaliya

0
Tuesday July 03, 2012 - 01:06:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada Shirka Roma ee xiliga kala guurka Somaliya

    Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta wasaarada arimaha dibadda Talyaaniga shirkii kooxda xariirka calamiga ah ee Soomaaliya ( international contact group ICG ) waxaana shirkaas ka qayb galaya Dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya maamulada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta wasaarada arimaha dibadda Talyaaniga shirkii kooxda xariirka calamiga ah ee Soomaaliya ( international contact group ICG ) waxaana shirkaas ka qayb galaya Dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya maamulada Puntland, Galmudug, iyo Ururka Ahlusuna Waljameeca, shirkani waxaa uu furmay 2:pm duhurnimo waxaana uu socon mudo laba cisho ah.
Waxaa shirka furay wasiirka arimaha dibada Talyaaniga Mudane Giulio Terzi waxaana uu kaga hadlay khudbadiisa horumarka dhan kasta leh oo ka socda Soomaaliya kaas oo ay hormuud ka tahay dowladda KMG ah iyadoo garab ka helaysaa wadadamada ku bahoobay urur Gobleedka IGAD iyo midowga Africa, waxaa kale oo wasiirku soo hadal qaaday xariirka soo jireenka ah oo ka dhaxeeya dowladda Talyaaniga iyo Soomaaliya isagoona goobta ka cadeeyey in Talyaanigu la garab taaganyahay shacabka Soomaalyeed taageero dhinac kasta leh.

http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/roma%20shir.jpg

Ra’iisul Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kasoo jeediyey shirka khudbad aad u qiimo badan isagoo ka warbixiyey guulaha is daba jooga ah ee ay gaareen ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom, waxaana Ra”iisul wasaare Gaas sheegay in bishii lasoo dhaafay ay gacanta dowladda kusoo noqotay degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ah meelo aad muhiim ugu ah isu socodka gobolada dalka. Waxaa kale oo Ra’iisul wasaaruhu sheegay in dowladdiisu meel gabagabo ah marinayso qodobadii ku xusnaa Roadmap-ka iyadoo Odayaasha dhaqanka ay ku guda jiraan sidii loo soo gudbin lahaa ergooyinkii ansixin lahaa Dastuurka dalka.

http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/roma%20shir%202.jpg

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Gaas ayaa u sheegay kasoo qayb galayaasha shirka in ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya ay ku guulaysteen inay xoog kusoo furtaan saaka waabarigii la haystayaal laga soo afduubtay usbuucii la soo dhaafay xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya kuwaas oo u shaqaynayey Norwegian Refugee Council , sidoo kale Ra’iisul wasaare Gaas waxaa uu cambaareeey kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab qaraxyadii shalay ay ka gaysteen Kaniisad ku taala magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Shirkaan oo ah kii ugu danbeeyey oo ay soo qaban qaabiso kooxda xariirka caalamiga (International Contact Group) xiliga KMG ah ayaa socon doonaa mudo labo cisho ah waxaana looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin:

http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/roma%20shir%203.jpg

1. Dhameystirka xiliga kala guurka

2. Sidii loo wajihii lahaa wixii kadanbeeya kala guurka

3. In daba gal lagu sameeyo go’aanadii kasoo baxay shirkii Istanbuul iyo London

4. Arrimaha kusaabsan amniga iyo cadaaladda

5. Sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa kooxda xiriirka caalamiga ah

6. Sidii loo taageeri lahaa AMISOM & ciidamada nabadgelyadda Soomaaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip