"Jiririco Qiiro Leh", Calanka Somaliya & Olimbikada Aduunka

0
Saturday July 28, 2012 - 11:55:53 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Jiririco Qiiro Leh", Calanka Somaliya & Olimbikada Aduunka

    Ciyaaraha Olimbikada adduunka ee London ayaa xalay si rasmi ah loo furay, iyadoo calankeena Soomaaliya uu ka dhex muuqday munaasabaad oo ay indhaha ku hayeen malaayiin ruux oo daafaha caalamka kala jooga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaraha Olimbikada adduunka ee London ayaa xalay si rasmi ah loo furay, iyadoo calankeena Soomaaliya uu ka dhex muuqday munaasabaad oo ay indhaha ku hayeen malaayiin ruux oo daafaha caalamka kala jooga.

Gabadha orodka uga qeybgaleysa ciyaarahan ee Soomaaliyeed Zamzam Ahmed ayaa calanka Soomaaliya u waday kooxda Soomaaliyeed, taasoo soo jiidatay dareenka malaayiin Soomaaliyeed oo adduunka geesihiisa kala jooga.

Hadalheynta ugu badneyd ee dadka Soomaaliyeed ee isticmaala bogaga adeega bulshada sida Facebook iyo Twitter ayaa aheyd calanka Soomaaliya oo ka soo muuqday munaasabada ugu weyn isboortiga adduunka.

Ciyaaraha Olimbikada ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 16 kun ciyaaryahano oo matayala ilaa iyo 204 wadan.

Munaasabada furitaanka ayaa aheyd munaasab aad u qurux badneyd, islamarkaana Britian ay si aad ah uga shaqeyeen islamarkaana soo bandhigeen dhaqankooda iyo damaashaadkooda.

Bilowgii munaasabada, boqorada dalka Ingariiska Queen Elizebeth ayaa ka soo muuqatay filim yar oo uu dhinac ka jilaayo Daniel Craig oo matalayay doorkiisa James Bond.

Isagoo u labisnaa sida uu ku jilo 007 ayuu soo galayaa Buckingham Palace iyadoo boqorada ay ku fadhiso miis xafiiseedkeeda shaqada, waxaana ay leedahay “Good evening, Mr Bond”. Taasoo dadka ka daawanayay garoonka munaasabada hal mar wada kicisay.

Ciyaaryahanka David Beckham ayaa isna sidoo kale qeyb ka qaatay munaasabada furitaanka isagoo shuclada ku keenay dooni dheereysa.

Halka sidoo kale uu ka soo muuqday feeryahanka ugu caansan adduunka Mohamed Ali Kalaay.

Fanaaniin iyo aktaro kale oo caan ah ayaa sidoo kale ka qeybgashay furitaankii ciyaaraha Olimbikada adduunka.


laacib.net

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip