Xukuumada KMG Somaliya Oo cambaareysay Dilkii Cabdi jelaani (Marshaale)

0
Wednesday August 01, 2012 - 10:46:33 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada KMG Somaliya Oo cambaareysay Dilkii Cabdi jelaani (Marshaale)

    Wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa si kulul u cambaareeysay dilkii naxdinta laha ee xalay Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Jilaagii caanka ahaa Cabdi Jeylaani Malaaq ‘Marshaale’.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa si kulul u cambaareeysay dilkii naxdinta laha ee xalay Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Jilaagii caanka ahaa Cabdi Jeylaani Malaaq ‘Marshaale’. Wasiirka warfaaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed ‘Jahwyn’ oo ka hadlay dilka Marxuumka ayaa cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay falkaasi foolxumada leh, isagoo muujiyay sida uu uga xunyahay dilka loo geystay marxuumkaasi, iyadoo aysan jirin cid uu dhibaato u geystay.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ciidamada Ammaanku ay ku raadjoogaan gacan ku dhiiglayaashii dilay Marshaale, isagoo rajeeyay in gacanta lagu soo dhigidoono dambiilayaashaasi sharcigana la geyndoono.

Wasiirka ayaa uga tacsiyeeyay ehelada Marxuumka, Fannaaniinta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida Marxuunka, isagoo sheegay in ay dishay gacan ka gardaran, wuxuuna u rajeeyay in Allaah uu ka waraabiyo Jannadii Fardoowsa intii uu ka tageyna simir iyo iimmaan uu Alle ka siiyo.

Dhanka kale bahda saxaafadda iyo qeybaha Fannaaniinta Muqdissho ayaa wada qabanqaabo ballaaran oo loo sameynayo Aaska Marxuumka oo la filayo in maanta uu ka dhaco Muqdisho.

Dilka Jalaaga caanka ahaa ee Cabdi Jeylaani Malaaq oo loo yaqaannay Marshaale ayaa qeyb ka ah dilalka ay malleeshhiyaadka Alqaacidda ku gumaadaan dadka waxtarka leh isla markaana magaca ku dhex leh bulshada.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip