Wararka aanu saaka halkaas ka heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia ay durba fariisin ka sameysteen Buurta Degmadaas, waxaana la sheegay inay wataan gaadiidka dagaalka, inkastoo aan la cayimi karin tirada Ciidamada Ethiopianka halkaas ku soo galeen.
Ciidamadan ayaa ka yimid dhanka Doolow ee xadka Ethiopia, waxaana halkaas mudooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa Xildhibaan Barre Hiiraale oo dhaq dhaqaaqyo ciidan uruursi ka waday tan iyo markii laga soo eryay Magaalada Kismaayo.
Dhanka kale Degmada Baardheere ee gobolkaasi ayaa waxaa ka taagan Cabsi ku aadan dhaq dhaqaaqa Ciidamada Ethiopian-ka waxana halkaasi horay ugu sugnaa ciidamo ka tirsan xoogaga Muqaawamada oo sida la sheegay isaga baxay halkaasi.
Degmooyinka Buurdhuubo iyo Baladxaawo ayaa horay waxaa uga dhisnaa maamulo islaami ah kuwaasi oo aan la ogeyn meel ay abaareen.
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Ethiopia oo gaaray Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Ciidamadani Ethiopianka ayaa la sheegayaa in ee wehlinayaan maleeshiyaad uu watay Col Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa waxaa ay gudaha u galeen degmooyinka Baladxaawo iyo Buudhuubo ee gobolka Gedo kuwaasi oo wada tashiyo lal leh Odayaasha iyo