Bismillaah, Somalia waxaa ka dhacay isbadal siyaasadeed, dadka qaar isbadalkaas waxey u arkaan mid wanaagsan, halka dadka qaarne ey ka didsanyihiin, isbadalki siyaasadeed waxaa ku xigay mid amni, waxaa faraha kasii baxaya amaanki Muqdisho, waxaa hakad galay bursigii mucaaradka.
Mudaxweynihii
hore ee soomaaliya Shariif Sh. Axmad ayaa ku dhaqaaqay talaabo
taariikhda baal dahab ah ka gashay, wuxuu si nabad ah oo qalbi furnaan
kujirto kuwareejiyay xilki uu hayay, kadibne wuxuu sal dhigtay guri
caadi ah oo muqdisho ku yaalo asagoo lasiman muwaadiniinta kale,
siyaasad kama hadlo, amaanka kama hadlo, cid ma faragashado, wuxuu
waqtigan lajoogo ku ekaaday dhaqashada reerkiisa iyo tarbiyeynta
caruurtiisa.
Dhanka
kale amaanka muqdisho ayaa xumaaday, waxaa la laayay dad u badnaa
qaraabo hoosaadka Sh. Shariif, wariyayaal ka ag dhawaa ayaa la qarxiyay,
xaafada uu muqdisho ka daganaa ayaa la duqeeyay, iyadoo indhuhu kuwada
jeedaan Mucaaradka iyo is-dhigashada hey’adaha amniga iyo gaabinta
madaxda qaranka ayaa mar qura waxaa afka laba taako furay qolooyin
waxmatarayaal ah oo mar qura wada yiri ”Sh Shariif”, marka aad
website-yada qaar furto waxaad ku arkeysaa cinwaano badan sida:
-Sh Shariif oo xamar qas ka wada
- Sh shariif oo amaanka caqabad ku ah
-Sh Shariif oo dowladu ka dhaqaaqi la’dahay
-sh.shariif. sha shariif .sh shariif
Maanta hadii la weydiiyo muxuu haleeyayne waxey ku dhahayaan amaanka muqdisho muxuu gacanta uga baxay?
Waa
su’aal cajiib ah oo ugu yaraan ku tuseysa qofka weydiinaya nuuca uu
yahay, waxaan jeclaan lahaa in dhowrkaan su’aal is weydiiyaan dadka
nuucaan ah:
1. Dadka la laayay ee sh shariif ka agdhawaa oo midkii awoowe u ahaa ilmihiisa ma asagaa dilay?
2. Waa tee awooda uu sh. Shariif u isticmaalayo qal-qal galinta dowlada, waraf (dhagax) miyuu ku dagaalamaa?
3.
Ma jiraa qof fiyaaw oo geed uu gacantiisa ku tallaalay goynaya? Ma
ogid miyaa in nabadan uu habeen iyo maalin usoo jeeday?
Nimankan
hadaladan ku hadlaya waxey sheeganayaan in ey taageeraan madaxweynaha
cusub, waxaan usheegayaa in umadu ey wada taageereyso madaxweynaha
cusub, lagana dhur sugayo, hadii ey taladu naga xumaato, yaanan dadka
kale xag-xaganin, eeda na saaran hadii aan dooneyno in aan cid kale
iskaga tuurno, aan raadsano geed sal adag oo aan cuksan karno, laakin
yaanan eedeyn iska dul saarin shaqsi shacabku naga aqbaleynin sida
madaxweyne sh shariif oo umadu u oomantahay hogaankiisii ku dhisnaa
kartida iyo dulqaadka, waxaan hey’adaha amniga ugu baaqayaa in ey u
istaagaan howshoodii qaranimo, si afka dhoobo loogu shubo wax
matarayaasha ku xargagaya madaxdii wadankan soo gaarsiisay heerkan.
Waxaan
kusoo gaba gabeynayaa talo walaaltinimo oo ku wajahan saxaafada
waxyaabaha nuucaan ah ku hadaaqda, waxaan idinkugu bishaareynayaa in
insha’allaahu tacaalaa amaanka muqdisho hagaagi doono, dalkana horomar
gaari doono, madaxweyne Xasan Sh Maxamuudna ku guuleysan doono howlihii
loo doortay, mar kasta oo wax fiican la arakana dadku soo xasuusan
doonaan madaxweyne Shariif oo tallaalay geedkan la guranayo, ee hadaba
kahowl gala diyaarinta borobagaanka aad waqtigaas fidin laheydeen.
Wabillaahi towfiiq
W/Q Axmed Xalaal
Caadle2@hotmail.com
SAXAAFADA WAALIDA DHAQANTA: amaan xumid Muqdiho, dhibaatada Suuriya, gumaadka Falastiin, qarixii Mareykanka, dhamaan waxaa ka masuul ah Sh.Shariif (w/q Axmed Xalaal)
Bismillaah, Somalia waxaa ka dhacay isbadal siyaasadeed, dadka qaar isbadalkaas waxey u arkaan mid wanaagsan, halka dadka qaarne ey ka didsanyihiin, isbadalki siyaasadeed waxaa ku xigay mid amni, waxaa faraha kasii baxaya amaanki Muqdisho, waxaa haka