Muran la’aan group-kaan waa kan ugu adag ee xilli ciyaareedkan Champions League, waxaana isku wareysanaya afar kooxood oo soo qaaday horyaalada wadankooda, Manchester City oo heysata horyaalka Ingariiska, Dortmund oo heysata horyaalka Jarmalka, Ajax oo heysata horyaalka Holland iyo Real Madrid oo heysata horyaalka Spain.
City ayaa group la mid ah kan oo aan cafis laheyn la dhex dhigay xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay ku dhameysteen kaalinta seddexaad ee groupka iyagoo ka danbeeyay Napoli iyo Bayern Munich.
Bishii hore waxa ay ku dhawaadeen inay xilli ciyaareedkan Champions League ku bilowdaan si wacan, iyagoo hogaanka qabtay balse Real ay ku badisay aakhirkii 3- 2.
Dortmund ayaa sidoo kale dhadhamisay qaraarka Champions League xilli ciyaareedkii hore , markii ay ku dhameysteen meesha ugu hooseysa groupkooda oo ay kula wehliyeen Arsenal, Marseille iyo Olympiakos.
Sida City oo kale, kooxda Juergen Klopp ayaa hanatay horyaalka dalkooda, waxaana ay aad u doonayaan inaysan mar kale waji gabax kala kulmin koobka ugu qiimaha badan yurub.
Dortmund ayaa si adag ku bilaabatay xilli ciyaareedkan Champions League iyagoo garaacay kooxda la is dhihi karo waa kooxda ugu jilcan group-kaan Ajax, waxaana ay kaga badiyeen 1-0 bishii hore.
Waxaana haatan horyaala tartan adag, iyagoo wajahaya kooxda lacagta badan ee Roberto Mancini uu macalinka u yahay ciyaar la filayo inay xiiso yeelan doonto oo caawa ka dhaceysa Etihad Stadium.
Xiddigo badan ayaa doonaya inay caawa masraxa isa soo saaraan sida Sergio Aguero, David Silva iyo Carlos Tevez oo dhanka Citya ah iyo dhanka Dortmund Marco Reus, Mario Goetze iyo Robert Lewandowski.
LINE-UPKA MACQUULKA AH |
MANCHESTER CITY ![]() Hart Zabaleta, Kompany, Nastasic, Clichy Garcia, Barry Silva, Yaya Toure, Aguero Tevez |
BORUSSIA DORTMUND ![]() Weidenfeller Piszczek, Subotic, Hummels, Schmelzer Kehl, Gundogan Blaszczykowski, Gotze, Reus Lewandowski |
Ciyaarta kale ee Group D, kooxda Jose Mourinho ee Real Madrid ayaa mar kale geesaha geli doona kooxda reer Holland ee Ajax, ka dib markii labada kooxood ay sidoo kale isku group ahaayeen xilli ciyaareedkii hore koobkan.
Real ayaa 3-0 kaga badisay minan iyo martiba Ajax xilli ciyaareedkii hore, natiijo kale oo guul ah oo sidaas ka duwan waxa ay noqon doontaa lama filaan.
Wiilasha Mourinho ayaa xilli ciyaareedkan horyaalka ku bilowday si qalqal ku jiro, lakiin waxa ay qaab ciyaareedkooda heleen markii ay 5-1 ku garaaceen Deportivo La Coruna axadii, iyadoo xiddigooda Cristaino Ronaldo uu seddexleey u dhaliyay.
Ajax ayaa sidoo kale ku riyaaqday natiijyo niyad-dhis leh, markii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Twente.
Lakiin waa inay soo saaraan qaab ciyaareed hagaagsan hadii ay rajo ka leeyihiin inay cadaadis saaraan kooxda Real Madrid oo baadigoob ugu jirta koobkii 10aad ee Champions League.
LINE-UPKA MACQUULKA AH |
AJAX ![]() Vermeer Van Rhijn, Alderweireld, Moisander, Blind De Jong, Poulsen, Eriksen Sana, Babel, Boerrigter |
REAL MADRID ![]() Casillas Arbeloa, Pepe, Ramos, Marcelo� Khedira, Alonso Di Maria, Modric, Ronaldo Benzema |
Falanqeynta UCL Group D: Man City vs Dortmund, Madrid vs Ajax
(Laacib.net)Ciyaar kasta oo Groupka dhimashada ah waxa ay u muuqataa inay tahay mid muhim weyn leh, iyadoo Manchester City ay caawa martigelin doonto Borussia Dortmund.