Xiddigaha Waaweyn Ee Ay Real Madrid Iska Diiday Xagaagan Si Ay U Sugto Neymar JR

0
Monday August 20, 2018 - 14:31:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddigaha Waaweyn Ee Ay Real Madrid Iska Diiday Xagaagan Si Ay U Sugto Neymar JR

    Wargeyska Marca ee kasoo baxa magaalada Madrid ayaa dibada soo dhigay xiddigaha ay Real Madrid dalban karto si ay badal ugaga dhigto mashiinkeedii goolasha ee Cristiano Ronaldo balse aysan dalban doonin si ay u sugto ilaa inta laga helayo Neymar JR o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska Marca ee kasoo baxa magaalada Madrid ayaa dibada soo dhigay xiddigaha ay Real Madrid dalban karto si ay badal ugaga dhigto mashiinkeedii goolasha ee Cristiano Ronaldo balse aysan dalban doonin si ay u sugto ilaa inta laga helayo Neymar JR oo ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain.

Iyadoo uu kaliya hal toddobaad ka dhiman yahay inuu si rasmi ah u xidhmo suuqa kala iibsiga ee qaarada Yurub Real Madrid ayaa la filayaa inay kalsooni buuxda siin doonto safka xiddigaha ah ee ay kooxda ku haysato oo masuul looga dhigi doono inay kooxda dhabarka u ritaan kaddib bixitaanka Ronaldo.


Wargeyska MARCA ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid aysan lasoo saxeexan doonin wax weeraryahan ah oo cusub walow ay bar-tilmaameedsanaysay xiddigo dhawr ah oo magac weyn kuleh gudaha qaarada Yurub, Wargeyska ayaana in Los Blancos aysan lasoo saxeexan xiddig weyn u sababeeyay xiisaha ay u qabto Neymar JR.

Sida ay aaminsanyihiin shaqaalaha iyo madaxda sarre ee kooxdu majiro xiddig horumarin ku samayn kara kooxda tababare Lopetegui oo aan ka ahayn Neymar JR oo xagaagii hore lacago waali ah ugu biiray kooxda ree France ee PSG.

Advertisement

Wargeyska ayaa intaas ku daray in kooxo badan iyo wakiilo badani ay Real usoo bandhigeen xiddigo tiro badan si ay ula saxeexato balse ay kooxdu u diiday sababo kala duwan iyaga oo qaarkood ku diiday inaysan ku haboonayn ciyaarta kooxda halka qaar kale ay ku diideen in kooxahoodu ay ku qiimeeyen lacago aanay u qalmin.

Weeraryahanka ree Belgium iyo kooxda Chelsea ee Hazard ayaa u muuqday mid ay suurogal tahay inuu ku biiri doono kooxda Bernabeu balse kooxda ayaa diiday inay la kulanto lacagaha waalida ah ee ay Blues dul dhigtay.

Sidoo kale kooxda ayaa mar dareenkeeda u jeedisay weeraryahanka xulka England iyo kooxda Tottenham Hotspurs ee Harry Kane balse in kooxdiisu ay ku qiimaysay 200 Milyan ayaa Madrid ku qasabtay inay ka laabato xiisahiisa.

Walow ay kooxdu la dhacday awooda gool dhalineed ee Kane hadana waxa ay aaminsan yihiin inuusan marnaba u qalmin qiimaas, Kooxda ayaa sidoo kale ka feejigan inay la saxeexato xiddigo ree England ah maadaama oo ay dhawr xiddig oo dalkaas kasoo jeedaa hore ugu fashilmeen.

Sidoo kale weeraryahanada kooxaha Inter Milan iyo Bayern Munich ee Mauro Icardi iyo Robert Lewandowski ayaa kamid ah xiddigaha ay Real Madrid fursada u heshay inay dalabaad ka geyso balse ay iskaga hadhay.

Ugu dambayn, Qormadan uu wargeyska MARCA ku faah-faahiyay tirada xiddigaha ah ee ay kooxdu iska diiday ayaa cadayn u ah sida ay kooxdu u doonayso inay lacagta 300 Milyan ah ee ay haysato ugu doonayso ciyaartoy u qalma oo aan ku fashilmin kooxda, Neymar oo 26 jir ah ayayna u arkaan shaqsiga kaliya ee qiimahaas lagu bixin karo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip