Dawlada Jarmalka oo joojinaysa taageardii Bini aadanimo ay siin jirtay qaxootida Soomaalida

0
Wednesday October 31, 2012 - 13:29:12 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Jarmalka oo joojinaysa taageardii Bini aadanimo ay siin jirtay qaxootida Soomaalida

    Dawlada Jarmani oo joojinaysa taageardii Bini aadanimo ay siin jirtay qaxootida Soomaalida ee ku jirta xiradad Dhadhaab ee Dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Jarmani oo joojinaysa taageardii Bini aadanimo ay siin jirtay qaxootida Soomaalida ee ku jirta xiradad Dhadhaab ee Dalka Kenya. Xukuumada barliin ayaa la sheegay in ay wado qorshayaal ay ku hakinayso gar gaarkii bini adaanimo ay u fidin jirtay 150,000 qaxooti somalia ah oo ku dhibaataysan xiradad dadaab kenya.

Diblomaasiyiin jarmani ah ayaa ka digay siyaasada lagu hakinaayo gar gaarka bini adanimo ee la siiyo tobonaanka kun ee qaxootida somalida ku jirta xiryaha kenya.

Warbixintaani oo ay heshay wakalada AP ayaa sidoo kale lagu sheegay in dawladsa jarmalka ay 6-xarumood oo dhanka cafimaadka ah ay ku leedahay gudaha xirada dadaab ee wadanka kenya iyadoo arinmahasi iskashi kala samaynaysa hay,ada qm ee dhanka qaxootiga.

Qaxootiga somalida ee ay dawlada jarmani ay taagerada bini aadanimo u fidiso ayaa waxa lagu qiyaasay 600000-qof kuwaasi oo kusugan goob ku dhaw soodinta somalia iyo kenya ay wadagan.

War laga soo saarat safarada jarmalka ay ku leedahay magalada nairobi ee wadanka kenya ayaa lagu sheegay in gar gaarkasi ay dawlada hakinayso sanada soo adan ay noqon doonto mid ka dhalata xalad bini aadanimo oo si gaar ah u sameyn doonta kumanan caruur ah oo ku jira xiradasi.

Wasaarada arimaha dibada wadanka jarmalka ayaa ka gabsatay in ay wax faafahin ka bixiso arintaasi.

Muwaadinin somalia ah ayaa waxa ay yihiin kuwo ku jira xiryaha qaxootiga wadankasi kenya kuwasi oo isaga cararay dagaalada iyo dhibatadii abarihii ku dhufay somalia sanadii tagtay.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip