Real Madrid oo guul daro xoog leh kasoo gaartay Real Batis

0
Sunday November 25, 2012 - 04:54:04 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid oo guul daro xoog leh kasoo gaartay Real Batis

    (Laacib.net)Real Madrid ayaa guuldarro xannun badan ay ka soo gaartay Real Betis oo ay marti u ahaayeen, ka dib markii looga badiyay gool iyo waxba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Laacib.net)Real Madrid ayaa guuldarro xannun badan ay ka soo gaartay Real Betis oo ay marti u ahaayeen, ka dib markii looga badiyay gool iyo waxba. Kooxda Real Betis ayaa ciyaarta ku soo bilaabatay si fagfag badan, waxaana ay daqiiqadii 17aad ay qabteen hogaanka ciyaarta, iyadoo kubad uu meel 23 mitir u jirta goolka uu ka soo toogtay Benat.

Karim Benzema ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay qeybtii hore iyo qeybtii labaad laakiin labada waxaa lagu diiday inay ahaayeen Offside, inkastoo ugu yaraan mid ka mid ah uu muran ku jiray.

Inkastoo Real Madrid ay cadaadis saartay Real Betis hadana waa ay awoodi waayeen inay helaan goolka barbaraha.

Guuldardan ayaa ka dhigeysa in Real Madrid ay baaqi ku sii ahaato kaalinta seddexaad iyagoo 8 dhibcood ka danbeeya kooxda ay xafiiltaaman ee Barcelona, inkastoo Barcelona ay la ciyaari doonta Levante islamarkaana laga yaabo inay dhibcaha ay ka sareyso Madrid ka dhigato 11 dhibcood.

Waa guuldaradii seddexaad oo Real Madrid ka soo gaarta La Liga iyadoo marti ah.

Dhinaca kale Malaga ayaa si xun ugu xasuuqday garoonkeeda kooxda Valencia oo ay ku dubteen afar gool iyo waxba.

Kooxda Malaga oo dhawaan iska xaadirisay wareega 16ka ee Champions League ayaa haatan ku sii dartay inay guul weyn ka gaarto kooxda Los Che, iyadoo goolasha uga mahadcelineysa Soler, Saviola, Cruz iyo Isco.

Malaga waxa ay haatan ku jirtaa kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka La Liga iyagoo leh 22 dhibcood, laakiin booskaas waa ay ka soo degi doonaan hadii berri ay Levante ka badiso Barcelona madaama ay leedahay haatan 20 dhibcood.

Kulamada kalena Rayo Vallecano ayaa 2-0 dirtay Mallorca, halka Valladolid ay 1-0 ku quusisay Granada.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip