Cordoba Oo Weerar Afka Ah Kuqaaday Jose Mourinho

0
Wednesday December 12, 2012 - 10:39:39 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1068
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cordoba Oo Weerar Afka Ah Kuqaaday Jose Mourinho

    (Laacib.net)Madaxweynaha kooxda Cordoba ee heerka labaad ee dalka Spain Carlos Gonales ayaa weerar afka ah ku qaaday tababaraha Real Madrid Jose Mourinho isagoo ku tilmaamay in uu magac xumo u keenayo kooxda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Laacib.net)Madaxweynaha kooxda Cordoba ee heerka labaad ee dalka Spain Carlos Gonales ayaa weerar afka ah ku qaaday tababaraha Real Madrid Jose Mourinho isagoo ku tilmaamay in uu magac xumo u keenayo kooxda. Milkiilaha naadiga Cordoba isla markaana xubin buuxda ka ah Los Blancos ayaa rumeysan in tababaraha reer Portuqal uusan wax muhiimad ah siineyn da’ yarta kooxda Real Madrid.

“Waxaan u malaynayaa in kooxda ay tababare kale u baahan tahay,”ayuu u sheegay Onda Cero Catalunya. “Sababtoo ah wax walba caadi ma aha.

“Dhowr sano kahor, Real Madrid waxa ay lahayd ciyaartoy ka soo baxday akadeemayada halka ay kooxda Barcelona ay ciyaartoy waaweyn la soo wareegaysay, waadna arki kartaan natiijada taas ay keentay.

“Hadda wax walba waa isbedeleen. Hadda waa Madrid tan laacibiin waaweyn soo iibsanayso balse Barcelona waxa ay xal u aragtay in akadeemiyadeeda dib ugu laabato taasina waa tan keentay guusha.

“Wax walba oo Mourinho sameeyo waan ka xanaaqaa waayo waxa uu naga bixiyay muuqaal foolxun.

“Waxaan samaysanaynaa cadowyo badan inta aan saaxibo yeelan lahayn waxana aan filayaa in dayacaada akadeemiyada ay tahay qalad ba’an oo la galayo.”
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip