Eryidda Amb. Francisco Caetano Jose Madeira

0
Friday April 08, 2022 - 11:16:30 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eryidda Amb. Francisco Caetano Jose Madeira

    Ukunta Haddii Xoog Banaanka ah uu jabiyo waxaa dhinto Noloshii Gudaha Ukunta, Haddise Ukunta uu Jabiyo Xoog Gudaheeda ka yimid waxaa noolaado wixii gudaheeda ku jiray. ( F.S:1aad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ukunta Haddii Xoog Banaanka ah uu jabiyo waxaa dhinto Noloshii Gudaha Ukunta, Haddise Ukunta uu Jabiyo Xoog Gudaheeda ka yimid waxaa noolaado wixii gudaheeda ku jiray. ( F.S:1aad)

Somalia waxaa mar kasta Jabinayo Xoog Dibadda uga yimaad, Haddii arrintu ey ku ekaan leheyd Somalida oo kaliya waxaa la Gaari lahaa Xal, Jiijiiluhu ku badbaado.

In kasta oo aan ka maqnaa Dalka Markii la eryayay Amb.Madeira, Haadana Qoraalkii Laba Cisho ka hor eryiddii Madeira aan ku qoray isla boggaan waxaan Codsaday in Caalamku uu ku daro Amb.Madeira Liiska la cunaqabteynayo, Horena dhowr jeer waan uga hadaly dhibaatada Reer Xalane qaarkood ey ku haayaan somaalida ( F.S:2aad)

Waxaan jiray in Xafiisyada Xalane qaar ey u dhaqmaan si aan Dan u aheyn Somalida, Waxaa ka jira Laaluush laga soo bilaabo Asgariga AMISOM ee Iridda waardiyeeyo illaa Madaxda Xafiisyada qaar, Anshax xumo, ku xad gudub Xuquuqda Haweenka Somlida, iibin Mukhaadaraad, ku xad gudub Diinta iyo dhaqanka, Dil, faragalin Siyaasadeed, kala iibsi Hub iyo waxyaaba kale, Hore waan uga hadlay, laakin ma jirin Xiriir aan la lahaa Dowlada oo ii fududeeynayo in aan kala hadlo arrintaa, ama Xafiis Dowladeed oo aan Arragtideyda Gaarsiin karay oo iga maqalyo, waxaanse la wadaagi jiray Bulshada.
Sida la wada ogyahay Haddii dhinaca Sharciga laga fiiriyo, Hadda Dalka kama jiraan Baarlamaan iyo Madaxweyne, Labadaba waxaa dhamaaday muddo xileedkoodii Dastuuriga ahaa, Labadubana male Awood Sharci oo Go'aan ey ku qaadan karaan illaa dib loogu doorto, waxa jiro oo kaliya Xukuumad Xil gaarsiin oo iyada lafteeda Awoodeeda Sharci ey Xadidadan tahay, kana masuul ah hoowlaha Fulineed ee Amniga iyo Doorashada.

Haddii Dowladu u aragto Amb. Madeira in uu khatar ku yahay Amniga iyo Doorashada waxa ey xaq u leedahay in ey ka erido Dalka, Mana jiro Xafiis kale oo Dowladeed oo ka hor imaan karo Go'aankaa ilaa laga helayo Baarlamaan iyo Madaxweyne Sharci ah oo uu Dalku yeesho.
Somaliyeey, Ukunta aan ka ilaalino in Banaanka laga jabiyo oo wixii aan sugeeynay aan weyno.

waan ogahay Qoraalkaan in ey dhibsan doonaan ama si kale ey u macneey doonaan Dadka qaar, waxaase la yiraa: "Luqadda ugu Adag ee aad ku hadasho waa luqadda la yiraa RUNTA". ( F.S: 3aad)

FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii aan ka khalday ka sax.

Qore: Yahya Amir



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip