Jose Mourinho v Sir Alex Ferguson: Xafiiltanka Labada Tababare (Sawiro)

0
Thursday February 14, 2013 - 11:25:23 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho v Sir Alex Ferguson: Xafiiltanka Labada Tababare (Sawiro)

    Ka hor kulanka caawa ee Champions League ee u dhaxeeya Real Madrid iyo Manchester United, waxaan dib u fiirin doonaa 14kii kulan ee tartan rasmi ahaa ee dhexmaray tababare Jose Mourinho iyo Sir Alex Ferguson.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka hor kulanka caawa ee Champions League ee u dhaxeeya Real Madrid iyo Manchester United, waxaan dib u fiirin doonaa 14kii kulan ee tartan rasmi ahaa ee dhexmaray tababare Jose Mourinho iyo Sir Alex Ferguson.


1- Porto 2-1 Manchester United — Champions League wareega 16ka, lugta hore — 25 February 2004

Roy Keane ayaa casaan loo taagay iyadoo Porto ay guul muhim ah gaartay iyagoo uga mahadcelinayay gool soo daahay oo uu u dhaliyay Benni McCarthy.

2- Manchester United 1-1 Porto — Champions League, wareega 16ka lugta labaad — 9 March 2004
Goolkii soo daahan ee uu Porto u dhaliyay Costinha ayaana kooxdii Jose Mourinho u diray wareega 8da, waxaana lagu xusuustaa in Jose uu jilbaha ku soo taraaraxay garoonka Old Trafford.

3- Chelsea 1-0 Manchester United — Premier League — 15 August 2004
Eidur Gudjohnsen ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta, iyadoo Chelsea ay u bilaabaneysay awoodeedii ay ku laheyd horyaalka.

4- Chelsea 0-0 Manchester United — League Cup semi-final lugta hore — 12 January 2005
Xamaasada iyo jawiga garoonka ayaa kacsanaa iyadoo lugtii hore ee Stamford Bridge lagu kala baxay goolal la’aan.

5- Manchester United 1-2 Chelsea — League Cup semi-final lugta labaad — 26 January 2005
Gool xilli danbe uu dhaliyay Damien Duff ayaa Chelsea u dirtay finalka Wembley.

6- Manchester United 1-3 Chelsea — Premier League — 10 May 2005
Fergie ayaa ku qasbay ciyaartoydiisa inay salaan sharafeed u sameeyaan Chelsea oo hore u xaqiijistay horyaalka Premier League.

7- Manchester United 1-0 Chelsea — Premier League — 6 November 2005
Ferguson ayaa ugu danbeyn helay guushiisii ugu horeysay ee Mourinho uu ka gaaro, iyadoo Darren Fletcher uu dhaliyay goolka kaliya ay ku badisay Chelsea.

8- Chelsea 3-0 Manchester United — Premier League — 29 April 2006
Kooxda Mourinho ayaa mar kale horyaalka qaaday, Wayne Rooney ayaana dhaawacmay lix isbuuc ka hor koobka adduunka.

9- Manchester United 1-1 Chelsea — Premier League — 26 November 2006
Goolal ay kala dhaliyeen Loius Saha iyo Ricardo Carvalho ayaa ka dhigay inay labada kooxood isku garab dhacaan Old Trafford.

10- Chelsea 0-0 Manchester United — Premier League — 9 May 2007
Markaan Chelsea ayay aheyd kooxdii salaan sharafeed u sameysay kooxda horyaalka qaaday ee Manchester United, inkastoo kulankoodaan uu ku dhamaaday barbaro goolal la’aan ah.

11- Chelsea 1-0 Manchester United — FA Cup final — 19 May 2007
Laakiin Chelsea ayaa xilli ciyaareedka iyada koob la’aan bixin ka dib markii Didier Drogba uu goolka guusha u dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa taasoo u sahashay inay qaadaan FA Cup.

12- Manchester United 1-1 Chelsea (United ayaa rigoore ku badisay) — Community Shield — 5 August 2007
Chelsea ayaa qasaariyay seddex rigoore, taasoo u sahashay in United qaado Community Shield.

13- Internazionale 0-0 Manchester United — Champions League wareega 16ka lugta hore — 24 February 2009
Ciyaar adag oo lugta hore dhexmartay oo ka dhacday Milan ayaa ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah.

14- Manchester United 2-0 Internazionale — Champions League wareega 16ka lugta labaad — 11 March 2009
Goolal ay dhaliyeen Nemanja Vidic iyo Cristiano Ronaldo ayaana United u sahlay inay u gudbaan wareega 8da.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip