Wax badan ka ogow booqashadi Ra'isul wasaaraha ee Balcad (Sawiro)

0
Thursday November 11, 2021 - 23:14:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax badan ka ogow booqashadi Ra'isul wasaaraha ee Balcad (Sawiro)

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa booqasho uu ugu kuur-galayey xaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa booqasho uu ugu kuur-galayey xaaladda nololeed ku tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta deegaanka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada oo la wadaagay baahiyaha nololeed ee ka jira deegaanka, qorsheyaasha horumarineed ee ka socda deegaanka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku xirnaanta dowladda iyo shacabka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay mashaariic horumarineed oo dowladdu ay ka waddo Balcad iyo guud ahaan Gobolka, kuwaas oo ay ka mid tahay waddada gabo-gabada mareysa ee isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Injineerrada iyo howlwadeennada ka socda dalka Turkiga ee gacanta ku haya dhismaha qaar ka mid ah mashaariicdaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan mashaariicda ay wadaan, taas oo rajo gelinaysa koboca nolasha iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiga ee sida nafhurnimada leh ugu howlgalay hirgelinta iyo dhismaha mashaariicdan, waxa uuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin sidii ay dalkooda uga xoreyn lahaayeen argagixisada hortaagan horumarkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo ka mid ah magaalada, sida buundada Iyo suuqa degmada Balcad.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip