Laurent Blanc Oo Aaminsan In Chelsea Ay Horumar Samayn Doonto Kadib Shaqo Ka Caydhintii Tababare Jose Mourinho

0
Saturday December 19, 2015 - 03:21:55 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 11379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laurent Blanc Oo Aaminsan In Chelsea Ay Horumar Samayn Doonto Kadib Shaqo Ka Caydhintii Tababare Jose Mourinho

    Tababaraha kooxda PSG ee Laurent Blanc ayaa sheegay in kooxda Chelsea ay horumar samayn doonto kadib markii shaqada tababaranimo laga caydhiyay tababare Jose Mourinho. PSG ayaa wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga la ciyaari doonta kooxda xil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda PSG ee Laurent Blanc ayaa sheegay in kooxda Chelsea ay horumar samayn doonto kadib markii shaqada tababaranimo laga caydhiyay tababare Jose Mourinho. PSG ayaa wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga la ciyaari doonta kooxda xili ciyaareedkan ku dhibtoonaysa Premier Leaque-ga ee Blues.


Chelsea iyo PSG ayaan noqon doonin kuwo isku cusub waxayna hore Champions Leaque-ga ay iskugu soo dhaceen labadii xili ciyaareed ee la soo dhaafay iyad oo midba xili ciyaareed laga reebay Champions Leaque-ga.Chelsea ayaa inkasta oo ay qaab ciyaareed liita ku jirtay hadda soo gaadhay wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga.

Laurent Blanc ayaa yidhi: "Bixintaanka Mourinho wax ayuu ka badali doonaa Chelsea wayna fiicnaan doonaan, anigu ma garanayo waxa ay badali doonaan, taasna adigu ma ogid. Wax kastaaba waxa ay ku xidhnaan doonaan tababaraha cusub iyo haanaankiisa, wax xiisoleh ayay noqon doonaan in aan aragno waxa dhaca”.

"Waa wax iska cad in Mourinho uu sida tababarayaasha kale xad lahaa, dhamaanteen wax ina xadidaya ayaan leenahay iyada oo aan loo eegayn magaceena. Anagu tababaraha cusub ayaanu daraasayn doonaa, waxwalba waxaanu u samayn doonaa sidii aanu awalba u samayn jirnay. Haddii aan Mourinho la caydhin lahayn isaga ayaanu daraasayn lahayn” ayuu Blanc hadalkiisa sii raaciyay.


Laacib.net


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip