Mas'uul ka qeyb galay Munaasabadii maanta ee Xasan Sheekh Maxamuud oo shaqo joojin lagu sameeyay

0
Thursday October 04, 2018 - 17:52:25 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul ka qeyb galay Munaasabadii maanta ee Xasan Sheekh Maxamuud oo shaqo joojin lagu sameeyay

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa goordhow waxa uu shaqo joojin ku sameeyay Shadoor Xaaji Maxamud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa goordhow waxa uu shaqo joojin ku sameeyay Shadoor Xaaji Maxamud.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa shaqadii looga joojiyay Shadoor Xaaji Maxamuud oo ahaa la taliyihiisa dhanka arrimaha Saxaafada.

Dhinaca kale waxaa Wareegtadan la ogeeysiiyay mas’uuliyiinta kala ah Afhayeenka Gobolka Banaadir,Agaasimaha waaxda Shaqda iyo Shaqaalaha ee maamulka Gobolka Banaadir,Xoghayaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir.

Sdioo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa faray Mas’uuliyiintan in ay la socdaan in shaqadii laga joojiya Shadoor Xaaji Maxamuud.

Shadoor ayaa maanta kamid ahaa dadkii ka qeybgalay Munaasabadii lagu dhawaaqayay xisbiga uu Gudoomiyaha u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Shadoor ayaa Xsaan Sheekh u ahaa Agaasimihii Warfaafinta xiligii uu dalka maamulayay.









Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip