Al Shabaab Oo Sheegtay In Al-Ameeriki Uusan Ka Tirsaneyn

0
Monday December 17, 2012 - 21:05:27 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegtay In Al-Ameeriki Uusan Ka Tirsaneyn

    Bayaan maanta ka soo baxay WarfaafintaShabab ayaa lagu sheegay in Cumar Xamaami oo loo yaqaano Abu Mansuur Al-amriki aanu matalin, una hadlin kana tarjumin afka raga Muhaajiriinta lagu sheego ciidamada Al-Shabaab ka tirsan oo uu isago markii hore a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan maanta ka soo baxay WarfaafintaShabab ayaa lagu sheegay in Cumar Xamaami oo loo yaqaano Abu Mansuur Al-amriki aanu matalin, una hadlin kana tarjumin afka raga Muhaajiriinta lagu sheego ciidamada Al-Shabaab ka tirsan oo uu isago markii hore afkooda ku hadli jiray .
Bayaanka ka soo baxay shabaabka ayaa lagu yiri “Ka dib video-yo uu baahiyay iyo warar aan jirin oo uu ku sheegayay kala qeybsanaan ka dhex jirta shabab ayuu Abu Mansuur Al-amriki waxey riwaayaddiisu aheyd muddooyinkii danbe mid buuxisay qalabyada warbaahinta ee, sidoo kalena Umadda ku beertay jahwareer siyaaba kala duwan looga warceliyay" .

Sidoo kale bayaanka ayaa intaas ku sii daray in dacaayadihii uu ku sheegay kala qeybsanaan ka dhex jirta qeybaha xarakada Shabab , kaliya ay tahay aragtida qof u jajaban caan bixid iyo is muujin, balse aaney waxba ka jirin marka xaqiiqada loo yimaado

Iyadoo bayaanka lagu cadeeyay in Abu Mansur Al-amriki aanu wax jago ah ka heyn maamulka shabab ee dalka Soomaaliya balse warbaahinada reer galbeedku ay marba iyaga ku magacaabaan xilal aan jirin oo iska hor imaanaya, sida in ay ugu yeeraan dagaal geliye, marna khabiir Istiraatiiji marna ay ku sheegaan qof hanti u soo uruuriya Shababka.

Al’amiiriki ayaa dhawr jeer oo hore waxa uu so diray fariimo iskugu jiraa muuqaalo iyo codad kuwaasi oo uu kusheegayo inay jiraan qalaaf ba’an oo ka dhexeya Masuuliyiinta ugu saraysa Shabab iyo Raga lagu sheego Muhaajiirta kuwaasi oo mudooyinka danbe uu soo ifbaxayay qilaafkoodu.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip