Maxay Tahay Ujeeddada Jabuuti ka leedahay faro-gelinta Doorashada Saylac ?
- Visits: 1676
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Ismaaciil-Cumar-Geelle
Faallo: Doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday Somaliland oo ay ka
qayb-qaadanayeen 7 urur iyo xisbi siyaasadeed, ayaa waxay natiijadeedii
ku dhammaatay laba ujeedo, waxanan u kala qaybin karnaa:
* Waa mide in la helo gole cusub oo deegaan oo beddela golihii hore ee
xiligiisu dhamaaday,
* Iyo in Toddabada Xisbi iyo Urur lagu kala reebo, oo ay sadex xisbi u
soo baxaan tartanka hoggaanka dalka ee la qaban doono.
Ula jeeddadii doorashada Somaliland ee labadaa qodob ku salaysnayd waa
la weeciyey, waxana ka faa’iidaystay dalka Jabuuti, oo illaa iyo wixii
ka dambeeyay dhimashadii Marxuum Cigaal si toos ah iyo si dadbanba
faraha ugula jirtay Siyaasada gudaha ee Somaliland iyo Somalia, isla
markaana saamayn aad ah ku lahayd dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka
socday gudaha Somaliland.
Maamulka dalka Jabuuti ayaa doorashadii tan ka horaysay waxa
ay taageertay Xisbiga Kulmiye, balse doorashadan way ka soo leexatay,
lamana garan karo sababta ay uga biyo diidday Xisbiga Kulmiye, ee ay
waagii hore taageertay. Oo ay ururrada cusub mid ka mid ah u taageerto.
Si kastaba ha ahaateewaxa la yaab leh sababta ay ururo ka dhisan dal
kale ugu kala ololaynayso.
Haddaba markii ay Jabuuti ku khasaartay ururkii la garab is taagtay
taageerada si ay xisbi talada dalka hoggaamiya uga dhigaan, ayaa misna
ay bilawday in ay taageerayaasheedii ay ku lahayd gudaha Somaliland ku
dhiirigelisay in ay rabshado ka sameeyaan meelaha u nugul, waxaanay
Jabuuti cusbataaladeeda u qaadday dadkii ku dhaawacmay rabashado ka
dhacay Hargaysa iyo Saylac, halka aanay cusbataaladeeda geyn dadkii ku
dhaawacmay Boorama iyo Lughaya, taas oo laga dareemi karo siyaasadeeda
ujeedaysan ee ku dhisan kala qaybinta Somaliland.
Sidoo kale Xukuumada Jabuuti hadda waxa ay bilawday in ay culayska
saarto, jahawareerinta golaha deegaanka ee degmada Saylac, waxaanay
taageero uga heshay farogelintaasi Saylac, xubno wasiiro ah oo ka mid ah
xukuumada Siilaanyo, kuwaas oo gacansaar hoose la leh M/weynaha Jabuuti,
Wasiiradaasi waa rag macruuf ah oo la yaqaan inta badana socdaalo joogta
ah ku tega Jabuuti, waxa ka mid ah Wasiirka Arimaha dibada, Wasiirka
Maaliyada, Wasiirka Warfaafinta iyo kuwo kale.
Haddaba maxay tahay Ujeedada rasmiga ah ee maamulka Jabuuti ka leeyahay
farogelinta Saylac?
Waxan odhan karraa waxa uu ka leeyahay:
1. Midda hore wuxuu khalkhal ku gelinayaa jiritaanka iyo kala dambaynta
ka hano qaaday Somaliland, isla markaana wuxuu ku wiiqayaa gooni
isku taaga ay Somaliland ku doodo, wuxuuna ka Abuurayaa xuduudda u
dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti xaalad Amni daro, taasi oo jabuuti
rabto inay qaabkii Kenya u qabsatay Kismaanyo, ay iyaduna farogelin
ciidan ku soo samayso, dhinaca ay kala jaarka tahay Somaliland, si
ay u maamusho G/Awdal iyo xeebihiisa, dadka ka faallooda siyaasadda
Jabuuti waxa ay aaminsan yihiin in M/weynaha cusub ee Soomaaliya
Xasan uu aqbali doono farogelin ciidan oo ay jabuuti ku samayso
G/Awdal, isla markaana Jabuuti kaga heli karo ogolaansho dawlada
Muqdisho, maaddama ay Jabuuti hore u geysay ciidammo gudaha Soomaaliya.
2. Ujeeddada kale ee Jabuuti ka leedahay farogelinta golaha deegaanka
Saylac waxa ay tahay, Doorashadii baarlamaanka jabuuti oo dhici
doonta bishan soo socta ee Febarweri, doorashadaasi oo xeerkii u
dhisnaa Jabuuti ee xisbiyadeedu kuraasta baarlamaanka u kala heli
jireen wax laga bedelay, loona bedelay in xisbi kastaa tirada
kuraasta ee uu helo baarlamaanka uu qaato, halkii Awal uu xisbi keli
ahi hadii dhaafo 50% oo 65 kursi wada qaadan jiray, Arintan oo ay ku
khasbeen dalalka Maraykanka iyo Yurub waxay cabsi gelisay M/xeyne
Geele, wuxuuna ka baqay maadaama beeshiisa Mamaasan ay lagaga badan
yahay Jabuuti in beelaha ku kacsan ee ka soo jeeda Beelaha kale ee
Ciise uu xiisad dagaal gosha u geliyo, isla markaana uu u tuso in
dhul ay leeyihiin laga qaadanayo, si markaasi siyaasiyiinta
mucaaradka ku ah ee Daaf iyo Ganacsade Boore reerahooda uga
mashquuliyo in aanay haleelin doorashadan kuraas mucaarad ah, sidaas
Awgeedna si xirfadaysan uu Aqlabiyada Baarlamaanka xisbigiisu u helo
xildhibaano tiro badan oo u baxa Baarlamaanka, Aduunkana uu u tuso
in la taageersan yahay.
3. Ujeeddada labaadna waxa ay tahay in, in uu Somaliland ka hor istaago
heshiis dawlada Imaraadku rabto in ay kula wareegto dekeda Berbera,
heshiiskaasi oo dekedaasi lagaga dhigayo mid casri ah oo la mid ah
tan Jabuuti, si aanay taasi u hirgelin uu khalkhal iyo xiisad
degenaasho la’aan ka Abuuro xeebaha galbeedka ka xiga dekeda Berbera.
4. Ujeedada saddexaadna waxa ay tahay, M/weyne Geele in uu tuso
xukuumada Muqdisho in beeshiisu awood ku leedahay Somaliland, isla
markaana ay wax ka bedeli karto gooni iskutaaga Somaliland, ka
bacdina loo Arko Somaliland meel Jabuuti gacanta ku hayso, si
beeshiisa loo siiyo mansabyo iyo xilal ay ka qabato xukuumada
Soomaaliya.
Waxaas oo dhan waxaa u daliil ah Hanjabaadaha iyo hadallada ka soo
baxaya Siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Ciise ee ku jira golayaasha
Somaliland iyo kuwo xilal wasiiro ah ka soo qabtay, kuwaas oo muddaba ku
bisaaradaysanaa Hargaysa, gaar ahaan intii ka dambaysay Rayaale, balse
wakhtigan u muuqda qaar hurdo laga soo toosiyay, oo loo maalgelinayo
sidii ay u kala tuuri lahaayeen hoggaanka Duqa Siilaanyo gadhawadeenka
ka yahay ee Somaliland.
Xukuumadda M/weyne Siilaanyo waxa ay kaga guulaysan kartaa
Ujeedooyinkaasi Jabuuti, hadii ay gashato Muraayadii M/weyne Cigaal mid
la mid ah, si ay u aragto dabinnada qarsoon ee M/weyne Geele la maaggan
yahay Somaliland, haddii kale wixii laga sugaaba Xukuumada Siilaanyo waa
iyadoo u noqta Daab Gudmeed.
Dhanka kale waxaa isweydiin mudan sababta M/weyne Geele uu u
farogelinayo Guusha reer Abtigii ka gaadhay doorashadii Saylac oo ah
Qabiilka ay ka dhalatay Hooyadii isaga dhashay iyo sababta uu u kala
jeclaysanayo Aabaha iyo Hooyada, Arintaasina faallo ma leh !
Awdalpress
Maxay Tahay Ujeeddada Jabuuti ka leedahay faro-gelinta Doorashada Saylac ?
Ismaaciil-Cumar-Geelle Faallo: Doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday Somaliland oo ay ka qayb-qaadanayeen 7 urur iyo xisbi siyaasadeed, ayaa waxay natiijadeedii ku dhammaatay laba ujeedo, waxanan u kala qaybin karnaa: