Ma Runbaa in wadahadal u socdo Somaliland iyo Axmed Samatar oo Ergo loo diray ?

0
Monday February 04, 2013 - 09:57:52 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Runbaa in wadahadal u socdo Somaliland iyo Axmed Samatar oo Ergo loo diray ?

    Ka dib markii uu Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar dabayaaqadii bishii Janaweri ka qaybgalay dood uu ku wehelinayay siyaasiga weyn ee Cali Khaliif Galayr, Doodaasi oo ku saabsanayd siyaasada Soomaaliya, ayay Aqoonyahanka iyo Siyaasiga Cali khalii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib markii uu Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar dabayaaqadii bishii Janaweri ka qaybgalay dood uu ku wehelinayay siyaasiga weyn ee Cali Khaliif Galayr, Doodaasi oo ku saabsanayd siyaasada Soomaaliya, ayay Aqoonyahanka iyo Siyaasiga Cali khaliif ku lafo gureen Aragtiyahooda la xidhiidha siyaasada Soomaaliya ay wakhtigan kala guurka ah cagta saartay. Doodan ayaa waxaa laga sii daayay TVga ku hadla Afsoomaaliga ee Universal.
Hadaba doodaasi ayaa Aqoonyahan Samatar uu ku dooday in fedraalku noqdo
labadii dal ee midoobay lixdankii, wuxuuna meesha ka saaray maamul
goboleedada kale oo dhan, waxa kale oo uu soo jeediyay in si siman wax
loo qaybsado, lacagna loo urursho ciidamda Amaanka oo 60% la siiyo
Koonfurta 40% la siiyo Somaliland.

Arintaa dooda ah markii la daawaday si fiicana loo dhegaystay ayaa sida
nagu maqaalo ah, waxaa Aqoonyahan Samatar la xidhiidhay siyaasiyiin uu
ka mid yahay wakiilka Somaliland ee maraykanka, waxaanay u sheegeen in
ay rabaan kulan dhexmara isaga iyo iyaga, Axmed samatar wuxuu ugu
jawaabay hadii madaxdiinu ogtahay kulankaasi waan kulmaynaa, hadiise
aanu ogayn mamulkiinu ma jecli in aad isa soo dhibtaan ayuu yidhi
Samatar sida warar u dhawdhaw madaxda Somalilandtu sheegayaan.

Weftiga la kulmayay Aqoonyahan Samatar ayaa u sheegay in maamulkoodu
ogyahay oo Axmed Siilaanyo la socdo kulanka, isla markaana ay ka sidaan
fariin adag oo ay ka mid tahay in uu kaala tashan doono shirka 07 May ee
London iyo wixii kaga hadli lahaa, inta ka horaysana uu imanayo Maraykan
M/weyne Siilaanyo. shabakadu mar ay isku dayday in ay Arimhaas wax
ka ogaato, ayaan la xidhiidhnay Aqoonyahan Samatar, balse waxaa noo
suurageli weyday in aan helo Samatar iyo dhanka kale ee Somaliland.

Sidaas Awgeed Kulankaasi iyo qaabkii uu u dhacay waxaan akhristayaasha
kula socodsiin doonaa wararka dambe, oo ah marka aan xogo rasmi ah ka
helo kulanadaasi iyo waxa lagu wada hadalay.

Awdalpress


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip