Siyaarada oo ay ka soo qeyb galeen dad aad u badan oo ka kala yimid dhamaan gobollada dalka soomaaliya , ayaa waxa shaly ay ka dhacday magaaladaasi ayadoo banaanbaxii dikriga iyo dhafarkuba si habsami lahi u dhaceen .
Dadka oo ay kamuuqatay dareen diimeed , oo hadana ku labisan Dharka cad cad ee (Libaasu taqwa ) ayaa waxa ay si qeyb qeyb ah u booqdeen qabriga shiikha iyo amwaada kale ee shiikha aktiisa ku aasan , waxa ayna halkaasi ugu duceeyeen Shhika iyo waliba ahlu-qubuurta mu'miniinta ah oo idil , kadibna waxa ay u soo dhaqaaqeen banaanbaxa siyaarada caalimkaasi weyn , ayagoo safaf dhaadheer ku jira oo ku qowlaya (LAA ILAAHA ILLA LAAHU ,MUXAMMADU RASUULU LLAAH ) .
Waayeel iyo caruur , looma kala harin siyaarada shiikh cali maye RC , waxaana halkaasi lagu bixiyay sadaqo fara badan oo badanaa ay bixinayeen shacabka reer marka oo marti loo ahaa .
Banaanbixii markii uu gabagaboobay ayaa , waxaa duceeyey culumadii waaweyneed ee ka soo qeybgashay siyarada , waxayna dadka somaliyeed ilaah uga baryeen in uu dhibaatada ka kor qaado , nabadna siiyo , waxaa kaloo la dhigay Dhafarkii siyaarta , oo waaga loogu diiray , socdayna ilaa salaad subaxii.
Shiikh cali maye RC , waxa uu ahaaa caalim weyn oo diinta dadka bari jiray , isagoo aqrinjiray qeybaha kala duwan ee cilmiga sida tafsiirka qur'aanka,axaadiis nabiga NNKH iyo qeybaha kala duwan ee Culuumta diiniga ah , allaha naxariistii janaad ha siiyee shiikh cali maye RC waxa uu ku Aasanyahay magaalada xeebeedka Marka , ayadoo sanad walbana halkaasi lagu xuso shiikha lagana sheekeeyo wax tarkii uu soomalida u lahaa xilligii uu shiikhu noolaa iyo qeybtii libaaxa lahayd ee uu faafinta diinta ka soo qaatay , isagoo baal dahab ah ka galay dadweynaha islaamka ah ee solomaaliyeed ,madama oo diinta barijiray .
Sikastoy ahaataba , Siyaarada ayaa si heersare ah u dhacday , ayadoo ay jirto digniino iyo hanjabaado ka imaanayey dhinaca Al-shabaab oo ayagu heysta magalada Marka iyo guud ahaan gobolkaasi , balse waxaa taasi maya yiri oo dhagaha ka furaystay Culumaaudiinka ahlu-sunna wal-jamaaca ee gobolkaasi , haddi ay al-shabaab isku dayi lahaayeen in ay ku xadgudbaan Culumada gobolkasi , waxa shaki ku jirin in lays fara saari lahaa , ayadoo la ogyahay in al-shabaab aysan markaan lahayn quwad ay isaga dhiciyaan culumada ahlusunna wal-jamaacah oo ayagu kala wareegey inta badan gobolada Galgaduud iyo Mudug .
W/Q: Ahmed Mahdi Mohammed (Khadar)
Tel: +256-777050100
Email: axmedmbc@hotmail.com and axmedmbc@yahoo.com
Kampala-Uganda
SIYAARADII SHIIKH CALI MAYE OO LA DHIGAY ,IYO AL-SHABAAB OO ISKU DAYEY IN AY HOR ISTAAGAAN SIYAARADA .
Waxaa shalay magaalada Marka ee xarunta gobolka shabellada hoose lagu soo gabagabeeyey siyaaradii waligii weynaa ee Shiikh cali maye RC .