Aamino Muuse oo laba sano kadib ka guurtay Universal Tv

0
Saturday March 09, 2013 - 02:17:16 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aamino Muuse oo laba sano kadib ka guurtay Universal Tv

    Wariye Aamino Muuse Wehliye oo kamid ah wariyayaaasha fara kutiriska ah ee rugcadaada saxaafadeed iminkana ka howlgala Tv-yada Soomaalida ayaa ka dhawaajisay iney isaga tagtay shaqadi ee ka heestay Tv-ga Universal ee fadhigiisu yahay magaalada London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye Aamino Muuse Wehliye oo kamid ah wariyayaaasha fara kutiriska ah ee rugcadaada saxaafadeed iminkana ka howlgala Tv-yada Soomaalida ayaa ka dhawaajisay iney isaga tagtay shaqadi ee ka heestay Tv-ga Universal ee fadhigiisu yahay magaalada London. War qoraal ah ee Aamino soo dhigtay Face Book-geeda ayeey shaaca uga qaaday arintaani.

"waxaan idiinla socodsiinayaa, in aan iska casilay si rasmi ah shaqadii aan u hayey taleefishanka UNIVERSAL oo aan la soo shaqeeyey si sharaf leh muddo ku dhow laba sannadood".

"Waxaan u rajeynayaa mulkiilaha, maamulka iyo shaqaalaha walaalaheyga ah meel kasta ooy dunida ka joogaan, horuumar iyo baraare".

tageerayaasheyda waxaan leeyahay idinkama tagine, gurigii uun baan ka guuray, midka cusub oo aan degayna marti kama tihiin, waana isla socon doonnaa, iskana war qabi doonaa haddii eebbe yiraahdo.

Barnaamijyadii aad iiga barateen ee NALA FIIDSO, BANDHIGGA AMINA iyo kuwo kale oo hor leh-na waxaad ka daawan doontaan HCTV oo ay iminka suurta-gashay in aan wada gaarno heshiis wada-shaqeyneed oo rasmi ah, ka dib markii wadahadal iyo gor-gortan shaqo oo culusi uu noo socdan aniga iyo milkiilaha Taleefishankaasi Farxaan Xaaji Cali, tan iyo bishii MAY ee sanadkii hore ee 2012-kii, gor-gortaankaas oo ay dad farabadan oo kale oo Soomaliyeedna ka qeybqaateen.

Waxaan idin leeyahay kulligiin nabad iyo caano ku noolaada.

Amina Muuse Weheliye.

Luton, Bedfordshire.

United Kingdom.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip