Muuse Suudi " Mana Dhiman, Farmaajana xiriir lama yeelan"

0
Monday December 06, 2021 - 23:33:01 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Suudi " Mana Dhiman, Farmaajana xiriir lama yeelan"

    Senator Muuse Suudi Yalaxoow oo u warramayay Radio Kulmiye ayaa sheegay in uusan wax wada-hadal ah u socon isaga iyo Villa Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senator Muuse Suudi Yalaxoow oo u warramayay Radio Kulmiye ayaa sheegay in uusan wax wada-hadal ah u socon isaga iyo Villa Somalia.
Su'aal uu weriyaha weydiyay oo aheyd "Waxaa la isla dhex marayay in adiga iyo Villa Somalia wada-hadal idiin socdo ee maxaa ka jiro", Wuxuu ku jawaabay "Yaa la hadlaa, ma darbiyadaa la hadlaa".

Weriyaha oo mar kale ku celshay ayaa yiri "Mudane madax soo ma joogto Villa Somalia, in uu iyaga wada-hadal idiin socdo maxaa ka jiro"?.
Wuxuu Muuse ku jawaabay "Madax ma joogto, waqtigoodiina wuu dhacay, berigey fiyoobaayeenba uma tagi jirin maxaa hadda ka jarinaa, wax ka jiro ma lahan warkaas".

Muuse Suudi oo farriin u diray ra'iisul wasaare Rooble ayaa yiri "Rooble damac hunguri aa galay, waxaa dhihi lahaa doorashada hagaaji, mahaan doorasho kama socoto, wax lagugu ammaano uga tag Dadka iyo Dalka".

Ugu dambeyn Muuse Suudi ayaa ammaanay maamulka Hirshabeelle isagoona sheegay in uu yahay maamulka kaliya ceebta ka fogaaday, wuxuuna sheegay in uu haddana ka filaayo inuu qabto doorasho hufan oo aan warqado lagu sidan.

Maxaa kaaga baxay hadalka Muuse Suudi Yalaxoow?.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip