Midowga Afrika oo soo hadal qaaday Ciidamada Siiraalyoon ee Somaliya
Saraakiisha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in Ciidammada ka socda dalka Seraleone ee dhowaan soo gaaray Magaalada Muqdisho ay ka howlgeli doonaan deegaanno ku yaala koonfurta Dalka oo ay ku jirto magaalada Kismaayo ee xarun
Saraakiisha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in Ciidammada ka socda dalka Seraleone ee dhowaan soo gaaray Magaalada Muqdisho ay ka howlgeli doonaan deegaanno ku yaala koonfurta Dalka oo ay ku jirto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Siraliyon waa dowladii ugu horeysay ee ka tirsan wadamada dhaca Africada Galbeed oo ciidamadeeda ku soo biirisa howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya, iyadoo dhawaan hal guuto oo ka tirsan ciidamada Siiralyoon ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Danjiraha Midowga Africa ee Soomaaliya Moh’med Salah oo isagu kla qeybqaatay soo dhaweynta ciidamadaasi ayaa sheegay in ciidamadani ay suurtagal tahay iney ku biiraan howlgalka ka socda gobolada Koofureed ee Soomaaliya,
Sidoo kale Danjiraha ayaa intaa ku daray in imaatinka ciidamadan ay qeyb ka taheyd heshiis ay wadagaareen golaha amaanka ee Midowga Africa iyo dowlada Siralyon wuxuuna intaa raaciyay in ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan nabadeynta Soomaaliya.