Wiil uu dhalay fanaanka caanka ah ee Siidow Faarax Siidow oo gudoomiye u ah jaaliyada Soomaali Bantu oo ka hadlayey xaflad lagu taageerayey maamul u sameynta jubooyinka ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaca beesha jareer weyne meel kasta oo ay joogaan in iyaga aysan raali ka ahayn maamulkaasi isla markaana Beesha jareer weyne ay tahay dadka xaqa u leh goboladasi isla markaana asalkooda loogu yimid isagoo soo xigtay taariikhda gobolada jubooyinka.
Maxamed Faarax Faarax Siidow oo ku magac dheer Arbow ayaa si degan ula hadlay dadkii kasoo qeyb galay xafladasi isagoo warka intaasi ku daray in dalka uu leeyahay dowlad aduunka laga aqoonsan yahay isla markaana ay tahay in maamul kasta oo loo samaynayo gobolada Soomaaliya ay maamul u samayntooda ay dowlada xaq u leedahay isla markaana dowlada ay tahay in lagu taageero hanaan socodka nabada iyo rajo soo celinta dadka ka barakacay guud ahaan wadanka Soomaaliya.
sidoo kale waxuu codsi u diray Dowlada Soomaaliya isagoo ka codsaday in dowlada ay si cadaalad ah ay u dhisto maamulada gobolada dalka wuxuuna baaq dheer u diray Aqoon yahanada, Xildhibaanada, salaadiinta iyo waxgaradka beesha jareer weyne in ay arintani si weyn uga hadlaan hadii kale ay arintani ay sababi karto in dhulka laga galo ama la duugo magaca jareer weyne waana isku daygii ugu danbeysay ee beesha jareerweyne lagu aasayo jiritaankooda.
Shirka ka socda magaalada Kismaayo ayaa dadka badinkii ah kuwo ku kala fikrad duwan iyadoo beelaha qaar ay masuugsan yihiin habka loo maamulayo shirka.
Wariye Abdi Xasan Daahir.
Email: Somalibantu@hotmail.com
South Africa.
Beesha Jareer Weyne ee South Africa oo qaadacday Shirka Kismaayo
Jaaliyada Beesha jareer weyne ee ku dhaqan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegtay in ay si weyn u dhaliilsan yihiin shirka ka socda magaalada Kismaayo kaasi oo lagu doonayo in lagu sameeyo maamul ay yeeshaan gobolada jubooyinka iyo