Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Jabuuti Idiris Arna’uud Cali ayaa waxaa uu ka hadlay arimaha soomaaliya gaar ahaan dhanka amaanka iyo talaaboyinka dhinaca horumarada ay dowlada soomaaliya ku talaabsatay.
Gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa soo hadal qaaday ciidama ciidamada Soomaaliya waxaana uu tilmaamay in dowlada Jabuuti ay sida ugu dhaqsaha badan ciidamo ugu soo diri doonto Soomaaliya si loo xaqiijiyo amaanka guud ee wadanka soomaaliya.
Idiris Arna’uud Cali Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Jabuuti ayaa dhinaca kale ku gacan sayray shirka maamul u samaynta Jubooyinka ee Jubbaland oo haatanka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Dhinaca kale Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Jabuuti ayaa sheegay in dowlada Jabuuti aysan aqbali doonin waxa ka soo baxa shirkaasi.
Dowlada soomaaliya ayaa si wayn uga mahad celisay sida ay hada iyo goor u garab taagan tahay iyadoo dhawaan wadanka Jabuuti wasiir dowlada arimaha dibada dowlada federaalka soomaaliya uu tababar ugu soo xiray ciidamo halkaasi tababar uga socday.
Dowlada Jabuuti ayaa haatan waxaa ciidamo ka tirsan ay ku sugan yihiin qaybo kamida koonfurtka soomaaliya iyagoona qayb ka ah howl galka nabad ilaalinta ee midowga afrika ee AMISOM.
Dowlada Jabuuti oo Dhaliishay Shirka Kismaayo (Warbixin)
Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Jabuuti Idiris Arna’uud Cali ayaa waxaa uu ka hadlay arimaha soomaaliya gaar ahaan dhanka amaanka iyo talaaboyinka dhinaca horumarada ay dowlada soomaaliya ku talaabsatay.