Muwaadin ahaanyeda Soomaaliyeed waxa aan isku dayaa aalaa inaan wax ka iraahdo Xaaladda ay ku jirto Umadda Soomaaliyeed Aniga oo aan cidna u gafin ayna iga tahay in wax la saxo haddii la awoodo.
Walaalayaal Maqaalkan waxa aan kaga hadlayaa ihaanada iyo bahdilka ay ku hayaan taageerayaasha Maamulka Soomaaliland kalimadda Tawxiidka {لا اله الا الله Ù…ØÙ…د رسول الله) oo ay ku qoreen Calankooda,Waxaana ka dhashay arinkaasi dhibaato xoogan oo loo geystay Kalimaddaasi qiimiga badan.
Inta aanan ka hadal bahdilka iyo dhibaatada lagu hayo Kalimaddan bal aan wax yar ka iraahdo go'itaanka ay doonayaan reer Somaliland,Walaalaheena reer Somaliland waxaa isaga qaldan dhibaatadii uu u geystay Taliskii Milatary-ga ahaa iyo danta ka dhaxeysa Shacab weynaha Soomaaliyeed ee Muslimka ah,Waxaadna moodaa in aysan si fiican uga jawaabin su'aalahan yaa laayay Reer Somaliland ? Shacab mise Maamul ? Dad Reer Somalilandse ma ku jireen Maamulkaasi ?
Hadaan isku dayo inaan ka Jawaabo su'aalahani waxa aan leeyahay Walaalayaal waxaa idin laayey waa Talis dictator ah oo ay ku jiraan cid kasta oo Soomaali ah,Waxa uuna Taliskaasi laayey dad badan oo Soomaaliyed oo aan danbi lahayn waliba ay ku jiraan Culimo,Wuuna dhacay Taliskaasi wixii uu geystay oo danbi ahna waa lagula xisaabtamayaa Aakhiro iyo Aduunba.
Marka ay Umaddu ka xumaato Qiyaadada {Madaxda} waxaa dhaca gabood falo badan,Waxa ayna gabood faladaasi ka dhaceen meelo badan oo dunida ka mid ah sidaa daraadeed Xaq ma'ahan inaad tiraahdaan waan kala goynneynaa Wadanka,Inteydaan oran waan go'aynaa waxa ay ahayd in ay gogol dhigaan Hogaanka Dhaqanka Iyagoo wakiil ah Dadeynaha Reer Somaliland Iyaga oo oranayo war dhibkaan baad noo geysateen ee naga garbaxa Reer koonfureedoow hadii kale waan idinka go'aynaa.
Waxa ay ahayd intaydan oran waan go'aynaa in ay soo bandhigaan Siyaasiyiinta Reer Somaliland aragtidooda siyaasadeed iyo sida loo sameysan karo Maamul ka duwan kii hore oo koonfurta iyo waqooyiga ku maamuli karaan Wadanka si aysan u dhicin wixii dhacay oo kale taasna ma aydan sameyn
Midnimada Umadda Soomaaliyeed waa waajib Diini ah sida Ilaahayba uu ku shegay Quraanka Axaadiistuna cadeysay waxaana jira bashaa'ir uu Rasuulku(SCW) sheegay oo waqtigeeda la joogo waxaana tusaale u ah isbadalada ka socda Wadamada Carabta iyo Caalamka Islaamka.
Amma wixii dhacay oo la idiin geystay Idinka iyo inta kaleba waa arimo loo baahan yahay in laga wadahadlo ka dibna laga heshiiyo,Waxaadna ogaataan Soomaali meel kastaaba ha kaga noolaato Geeska Africa waa isku masiir in ay midoobaana waa waajib sharaftoodaana ku jirta.
Hadaan u soo noqdo dulacda Maqaalka Walaalayaal kalimadda Towxiidka ma ahan kalimad fudud waayo waa Kalimadda lagu soo galo Diinteena,Waxa ayna Kalimaddan wadataa Magaca Allaah iyo kan Nabigeena sidaa daraadeed meesha lagu qorayo Kalimaddaasi ha ahaato Calan ama meel kale waa in ay noqotaa meel u qalanta Kalimaddaasi.
Waxyaabaha aan aadka u dhibsaday iguna kalifay inaan Maqaalkan qoro waxa weeye markaan arkay Calanka Somaliland oo ay ku qoran tahay Kalimadda Towxiidka oo hadana ay sitaan dumar caariyaad oo madax qaawan oo lulayo Calanka ay ku qoran tahay kalimadda لا اله الا الله Ù…ØÙ…د رسول الله hadana heeso iyo music isku dhexwado.
Waxaa kaaga sii daran meelaha ay ka dhacaan Xafladaha lagu taageero Somaliland sida midda May 18 iyo kuwa la midka ah waxaa ka soo qeyb galo waa Fanaaniin iyo dumar madax qaawan oo aad la yaabeyso sida Xafladaha ka dhaca Qurbaha ee ay isagu yimaadaan taageerayaasha Somaliland,Waxa aad ka ka arki kartaan video-yada ku jira Youtube-ka { hadaad dood qabto ku qor Youtube-ka Xafladdii Somaliland 18 May }
Gab gabadii waxa aan leeyahay ma xumo in Calan la sameysto laguna qoro Kalimad sida لا اله الا الله Ù…ØÙ…د رسول الله laakin waxa ay ahayd in la ilaaliyo Sharafta Kalimadda Towxiidka,Waxa aana leeyahay Kalimaddaasi lama siin Xaqeeda waana sababta igu kaliftay inaan qoro Maqaalkan kana codsado Taageerayaasha Somaliland in ay ku baraarugaan arinta aan ka hadlayo,Walaalayaal maxaa iska galay لا اله الا الله Ù…ØÙ…د رسول الله Music iyo goob lagu hayo fisqi oo waliba Rag iyo Dumar Ajaanib kala ah ay ku baashaalayaan sow ihaano ma'ahan ?
Waxaan gunaanudkii soo jeeedinayaa dhowr qodob
1-Siyaasiyiinta:Waxa aan kula talinayaa Siyaasiyiinta Reer Somaliland in aysan waqti isaga lumin kala goynta Wadanka Soomaliya ileen taasi dhicimeyse,Waxaana ka codsanayaa badalkeeda in ay ka tirtiraan Kalimadda Towxiidka Calanka maadaama Calanku noqday maro lala tago meel kasta.
2-Culimada:Sidoo kale waxa aan ka codsanayaa Culimada Reer Somaliland in ay doorkooda qaataan oo aysan marna ogolaan in Wadanka la kala jaro dhinaca kalena ay dadaal ku bixiyaan sidii Calanka looga tirtiri lahaa Kalimada Towxiidka oo sharafteedii lagu ciyaarayلا اله الا الله Ù…ØÙ…د رسول الله
Dhibaatada ka dhalatay calanka Somaliland ee Ashahaatinka lagu qoray oo sii badaneysa
Muwaadin ahaanyeda Soomaaliyeed waxa aan isku dayaa aalaa inaan wax ka iraahdo Xaaladda ay ku jirto Umadda Soomaaliyeed Aniga oo aan cidna u gafin ayna iga tahay in wax la saxo haddii la awoodo.