“Inta badan xawaaladaha lacagaha kala gudbiyo ee Soomaaliya ma lahan wax raad-raac ah oo ku saabsan halka ay lacagta rasmi ahaan ugu diraan, tani waxay keentay in baqdin laga qaado in lacagaha qaarkood ay gacanta u galaan kooxaha argagaxisada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu bangigu soo saaray bishii hore.
Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in 40% dadka Soomaaliyeed ay nolol ahaan ku tiirsan yihiin dhaqaalaha ay ka helaan ehelladooda ku nool dalka dibaddiisa, tanina ay noqon karto caqabad weyn oo dadkaas oo food-saarta.
OXFAM oo ka mid ah ha’yadaha samfalka ee dalka Britain ayaa sheegtay in go’aanka bangiga uu qaatay ay a wanaagsanaan lahayd in baaritaanno lagu sameeyo goobaha ay xawaaladuhu lacagaha u diraan, isagoo sheegay in tani ay caqabad ballaaran ku keenayso dadkii dhaqaalaha ka heli jiray Britain.
Dhinaca kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka wadanka Ingiriiska ayaa walaac ka muujiyay in arrintani haddii ay sii socoto ay keeni karto Soomaali fara badan oo ku nool dalka gudihiisa inay saameyn ku yeelato.
Hay'ado caalamiga ah oo walaac ka muujiyay tallaabada uu qaday bankiga Barclys
“Inta badan xawaaladaha lacagaha kala gudbiyo ee Soomaaliya ma lahan wax raad-raac ah oo ku saabsan halka ay lacagta rasmi ahaan ugu diraan, tani waxay keentay in baqdin laga qaado in lacagaha qaarkood ay gacanta u galaan kooxaha argagaxisada,&