Ø¨ÙØ³Ù’م٠الله٠الرَّØÙ’مَن٠الرَّØÙيْم٠الْØÙŽÙ…ْد٠للّه٠رَبÙÙ‘ الْعَالَمÙينَ
والصَّلاة٠والسَّلام٠عَلَى نَبÙيّناْ Ù…ÙØÙŽÙ…ÙŽÙ‘Ø¯Ù ÙˆÙŽØ¢Ù„Ùه٠أجْمَعÙيْن
إنَّ الله لا يَسْتَØÙ’ÙŠÙيْ Ù…ÙÙ†ÙŽ الْØÙŽÙ‚ÙÙ‘
Alle Xaqqa Kama Xishoodo
Carab Iyo Caddaan Intay Cayrsanayeen
Bay Caadadii Dhaaftay!
Waxaan qaybtan idinkaga soo xulay Buugii aan ku magacaabay:
Mafia Mums
Hooyooyin Maafiya Ah
Ragow Min Shan Baynu Idinka Dhalnaye
Ka Shiraacda Meesha
ما ضَاْعَ ØÙŽÙ‚ٌّ ÙˆÙŽØ±ÙŽØ§Ù’Ø¡ÙŽÙ‡Ù Ø·ÙŽØ§Ù’Ù„ÙØ¨ÙŒ
Xaq Ma Lumo Uu Ninkii Lahaa Daba-Joogo
oo dhawaan haddii Alle idmo lagu daabici doono buuga oo kooban dalka Hindiya si loo fahmo mowducan, sida ugu fududna aan usoo bandhigo, kadibna mar labaad la daabici doono haddii Alle idmo isaga oo dhammays-tiran oo cutubyadiisiina wata.
idinka oo kaga bogan doona isla mowduucan oo faah-faahsan cutubka labaad ee buuga baabkiisuna yahay:
Hablaha Yar-Yari Waxa Hor Taagan
Hooyo Guur-Doon Ah!
Idinka oo horay ugaga bogtay maqaalkii aan idinkaga soo xulay isla cutubka labaad baabkiisa sadexaad. Kaasoo ahaa:
Dalqadihii Dhammaade
Caruurna Way Dhalaan!
Iyada oo Cutubka sadexaad baabkiisa koowaadna aan ku magacaabay:
Mafia Mums Supporters
Taageerayaasha Hooyooyinka Maafiyada Ah
Si loo cadeeyo taageerayaashaa khatartoodana dadka loogaga digo si aysan ugu kadsoomin.
Waxaa maalmahan soo shaac baxday dhaqan ku cusub umadda soomaaliyeed gaar ahaan qurba joogta. Taa oo ah in dumar badan oo qurba joogta kamid ah aysan ka fekerin maslaxadooda gaar ahaan dhanka guurka iyagoo aadba moodo inaysan lababa socon waxa caalamka ku xeeran ka dhacaya iyadoo dhawaan tira koob lagu sameeyay gabdhaha guur dhaafay rajana aan ka lahayn guur ee canuusaatka looyaqaan soomaaliduna ay guumeys u taqaan in Aljeriya oo kaliya tirada canuusaatka ku nool ay la egtahay tirada dalka libiya waa qiyaastii ilaa 5 milyan oo canuusaat ah aljeriya kaliya iskaba daa wadamada kale ee islaamka ah.
Qaarbaa ku qaldamay maah-maahdii ahayd: Gabadhu kun bay koolisaa midna way kala baxdaa, laakiin kama fekerin inta ay fursad haysato waqtigiina uu ku socdo iyadoo qaar kalena ay dhibaato kala soo gudboonaato ballamihii, sheekadii iyo rajadii ay rag badan gelisay oo dhacda in halkaa il ka raacdo cilaajka kola la geeyana uu jin ka dhex hadlo isagoo leh jinkii oo matalaya qofkii ay sheekada lawaday: Ballan bay igaga baxday iyo wixii lamid ah
والعياذ بالله
Midda kale ee ah diir cad daba orodka waxaan is leeyahay kol haddii make up iyo wax diirka fiiqa la bartay carab iyo caddaan baa lays mooday. Waxaana ku dhabowday maah-maahdii ahayd:
Baqashii Fardo La Mirataa
Faras Bay Is Moodaa
Sidoo kale Sh maxamed Axmed Boqolsoon RxC ayaa qolo sidaan oo kale carab iska yeelka ah uu ku yiri:
Afrikaan Baad Tihiine Edeb Yeesha
Waxaase is waydiin mudan quuxdu ma midab baa lagu miisaamaa?
Mowduucan isaga oo faah-faahsan waxaad ka heli doontaa isla buuga cutubka koowaad baabkiisa labaad oo aan ku magacaabay:
Is Caddaysaye Ma Caddaatay
Mise Waad Cagaaratay!
Waxa ku wayn aktooda kolka ay guur kala hadasho qofka ku diirka ah waa shilimaad iyo dhaqaale, halka diir cadena ay iyadu ku bixiso qarashka, Inta dhaqaale iyo diir cadde lagu maqnaana caadadii tagtay. Taana waxaad kaga bogan doontaa cutubka koowaad baabkiisa koowaad oo aan ku magacaabay:
Nin Ma Rabaane Nooli Bay Rabaan!
Haddii ay arintu tahay diir cad kaliya, inaguba ka soomaali ahaan waxaynu leenahay carab iyo gibil cad ee maxaa loogaga cararayaa jawaabtu way iska caddahay oo carab ahow ama gibil cad ahowe soomaali baad tahay isku reerna manihin, oo hadday sidaa tahay kuwa aan geeliinaba aan wada daaqin miyaad isku reer tihiin?
Warka sii badin mayee faah-faahinta ugu tag qormada buuga oo kooban iyo midka dhammaystiranba dhawaan haddii alle idmo
وبالله التوÙيق
WQ: Cali-Daahir Xaaji Muxammad
mohiyadin@hotmail.com
Kolkey Dhalmo Gooyaan Bay Dhegaha Taagaan
Ø¨ÙØ³Ù’م٠الله٠الرَّØÙ’&U