Madaxweyne Xasan “ Shacabka iyo ciidankuba waa inay garab-istaagaan walaalaha Turkiga”.

0
Sunday July 28, 2013 - 23:15:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan “ Shacabka iyo ciidankuba waa inay garab-istaagaan walaalaha Turkiga”.

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Wasiirka Diifaaca ayaa maanta booqday safaaradda Turkiga ee Soomaaliya isagoona gudaha Safaaradda kulan kula qaatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Wasiirka Diifaaca ayaa maanta booqday safaaradda Turkiga ee Soomaaliya isagoona gudaha Safaaradda kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Dalkeena Soomaaliya Kamaludin Kani Torun.
Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeyey Shacabka iyo Dowladda Turkiga dhacdadii Kooxda Al- Shabaab ay ka geysatay xarun ay deganaayeen shaqaalaha Safaaradda Turkiga” Allaah ha u naxaristo dadkii ku dhintay kuwa dhaawaca ahna Allah ha caafiyo, Turkiga waxay astaan u yihiin nabadda Soomaaliya, kooxahaan waxay ka soo horjeedaan howlaha kala duwan iyo horumarka walaalaheen Muslimiinta Turkiga ka wadaan dalkeena, sida dhismaha Dugsiyada,Wadooyinka, Isbitaallada casriga ah, iyo howlaha kale” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Ciidamadda Ammaanku iyo shacabka Soomaaliyeedba siwada jira ha u garab-istaagaano walaalaha Turkiga, waad ogtihiin sida dhabta ah oo ay inoo garab-istaageen” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambeyntii Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Turkiga ay ka go’an tahay ka shaqeynta gudaha Soomaaliya “ Weerarku waxa uu ahaa mid lagu doonayey in lagu joojiyo howlaha aanu wadno laakin ma joojin doono” ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip