Wafdi ka socda hay'adda QM u qaabilsan horumarinta ee UNDP loo yaqaano ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, waxaana wafdiga hoggaaminayay Mr. Philip Lazarani oo ah xiriiriyaha arrimaha bani'aadaminimada u qaabilsan Soomaaliya.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Eng. Cabdi Jiinow Calasow iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa wafdiga QM ku soo dhoweeyay xarunta maamulka gobolka Sh/dhexe ee ku taala magaalada Jowhar.
Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa uga warbixiyay wafdiga QM xaaladda gobolka, iyagoona sheegay in QM doorka ay ka qaadaneyso dhinacyada dib u dhiska, gargaarka iyo samafalka uu si weyn u soo dhoweynayo imaatinka wafdiga ee gobolka Sh/dhexe.
Madaxa arrimaha bani'aadaminimada QM u qaabilsan Soomaaliya Mr. Philip Lazarani ayaa isna uga mahad celiyay maamulka gobolka Sh/dhexe dadaalka ay ugu jiraan nabadda iyo horumarka, wuxuuna u ballanqaaday gobolka Sh/dhexe in QM ay gacan ka geysaneyso dib u dhiska iyo arrimaha samafalka.
Wafdi ka socda QM oo maanta gaaray Jowhar
Wafdi ka socda hay'adda QM u qaabilsan horumarinta ee UNDP loo yaqaano ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, waxaana wafdiga hoggaaminayay Mr. Philip Lazarani oo ah xiriiriyaha arrimaha bani'aadaminimada u qaabils