Cunugu waxa uu xasuustaa heesii uu ku dhegaystay uurka hooyadii

0
Tuesday September 24, 2013 - 07:54:46 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cunugu waxa uu xasuustaa heesii uu ku dhegaystay uurka hooyadii

    Ilmaha yar ka hor inta uusan dhalan waxaa la sheegay inuu awood u leeyahay in maqlo heesaha iyo hadalka debadaa ka socda. waxa uuna noqonayaa marka uu dhasho mid xasuusan kara heesahii ay hooyadii dhegaysan jirtay markii uu uurka ku jiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilmaha yar ka hor inta uusan dhalan waxaa la sheegay inuu awood u leeyahay in maqlo heesaha iyo hadalka debadaa ka socda. waxa uuna noqonayaa marka uu dhasho mid xasuusan kara heesahii ay hooyadii dhegaysan jirtay markii uu uurka ku jiray. Cilmi baarayaal baadhitaan samaynayay ayaa waxa ay u daareen heeso hooyooyin uur lahaa sedex todobaad ka hor intii ayna dhalin. Cilmi baarayaashan ayaa intaa ku daray in Ilmaha yar inta uusan dhalan xitaa uu maqlo hadallada, taasina ay u fududeyso in canuggu hadal barto.

Psychobiologist Carolyn Granier-Deferre oo wax ka dhiga Jaamacadda Paris waxa uu ka dalbaday 50 hooyo inay dhageystaan xilliga uurka ay leeyihiin heesaha dabacsan ee aan cusleyn maalin walba.

Markii 50 canug oo hooyooyinkaas ay dhaleen, da’dooduna gaartay hal sano ayaa loo daaray ama loo ciyaaray heesihii xilliga uurka ay ku jireen hooyooyinkood dhageysan jireen. Waxaana dhacday in ay horay ka seexdeen.

Isku cel celis la sameeyay waxaa clmi baaruhu sheegay in wadna garaaca ilmahu xilliga uu jiifo, marka heesaha dabacsan loo shido uu garaacmo 12 jeer. Halka uu ka garaaco 5 illaa 6 jeer marka hees aan dabacsaneyn loo daaro, waa ilmaha Uurka marka ay ku jireen la baraye.

Mr Deferre waxa uu yiri "Haddii hooyadu dooneyso in ay canugga uurkeeda ku jira ay barto hees waa inay inta aysan dhalin ka hor 4-5 toddobaad ay dhageysataa ama ugu heestaa ".


Source: Xogsheeg
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip