Inta ay uurka ku jirtay Ayay qaaday Coronavirus Gabar yar oo Sweden ku dhalatay

0
Monday March 08, 2021 - 10:25:00 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inta ay uurka ku jirtay Ayay qaaday Coronavirus Gabar yar oo Sweden ku dhalatay

    Gabar yar oo ku dhalatay cusbitaalka Ostra ee magaalada Utbury dhamaadka sanadkii hore ayaa laga helay cudurka loo yaqaan 'Covid-19', kaliya 23 saac kadib dhalashadeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabar yar oo ku dhalatay cusbitaalka Ostra ee magaalada Utbury dhamaadka sanadkii hore ayaa laga helay cudurka loo yaqaan 'Covid-19', kaliya 23 saac kadib dhalashadeeda.
 

Sida ay sheegeen dhakhaatiirta, fayraska waxaa gabadha loogu gudbiyay inta ay uurka hooyadeed ku jirtay taas oo ay dhaqaatiirtu u arkeen mid aan caadi aheyn kiiskan, sida lagu sheegay daraasadaha, waxaa jira kaliya kiisas yar oo la mid ah kan ilmaha yar.

"Dabcan waan walwalsanaa, maxaa yeelay ma aanan ogeyn halista uu cunugga la kulmayo,” ayay hooyadeed gabadha u sheegtay TV-ga Sweden .

Wayna sii wadatay, "Gabadhaydu waxay jirtay maalin uun markay jir tahay markii la caddeeyay inay iyadu, sidaan oo kale, qabto fayraska.”

Xaqiiqda ah in ilmuhu uu ku dhaco cudurka inta lagu guda jiro uurka waa wax aan caadi ahayn, marka loo eego daraasadaha la sameeyay.

 
Daraasad Ingiriis ah, oo lagu daabacay Lancet Child & Adolescent Health bishii Luulyo, waxay raacday 116 haween uur leh oo laga helay covid-19 oo midkoodna uusan u gudbin fayraska dhallaankooda inta ay uurka leeyihiin.

Hooyadu iyada oo hadalkeeda sii wadata waxay tidhi, "Aniga iyo dhakhtarka waan la yaabnay markii ay ogaatay in gabadhaydu ay sidoo kale qabto fayraska. Aniga lafteyda waxaa iga lumay dareenkii urta iyo dhadhamintii.

Haweeneydu waxay xaqiijineysaa in qoysku ay heleen taageero daryeel caafimaad oo wanaagsan waxayna intaa ku dartay in iyada iyo gabadheeda ay caafimaad qabaan maanta.

Isbitaalka Skåne ayaa usbuucii la soo dhaafay shaaciyay in ilmo yar uu ku dhacay cudurka loo yaqaan ‘Coronavirus’, dhalashadiisa ka dib, dhamaadkii sanadkii hore iyadoo loo aaneynayo inay tahay kiiskii ugu horeeyay ee noocan ah ee ka dhaca Sweden.

Xigasho: Somalisk
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip