Saacid ayaa yiri: "Golaha wasiirada aan soo dhisayo waxay noqon doonaan 23-wasaaradood iyo in la mid ah, maalintii aan soo magacaabayey 10-ka wasiir xaalad ayaa jirtay, maalintaas sax bay aheyd in Soomaalida la simo, in dumar ay helaan xaqooda sax bay aheyd, balse maanta xaalad taas ka duwan ayaa jirta”
Ra’isul-wasaare Saacid oo wax laga weydiiyay musuqmaasuq la sheegay inuu ka dhexjiro jiro dowladda Fidraalka Soomaaliya dhexdeeda ayaa arinkaasi ku tilmaamay mid aanan waxba ka jirin.
Sikastaba ra’isul-wasaaraha ayaa sheegay in uu si dhaqsi ah usoo dhisi doonno tiro wasiirada ah oo ku sheegay in ay gaarayaan 23—xubnood iyo wax lamid ah.
C.llahi dayax
Shabakada Warsheekh
Xafiiska Muqdisho
(Mar walbo iyo meel kasto waa www.warsheekh.com)
Ra'isul-wasaare saacid oo sheegay isku shaan-dheyn kadib tirade uu wasiirada ka dhigayo
Ra'isul-wasaare Cabdi Faarax Shir-doon "Saacid" ayaa sheegay in isku shaan-dheyn kadib golaha wasiirada ee uu soo dhisi doono ay ka koobnaan doonaan 23 wasiir iyo wax la mid ah.