Tariikhdii iyo waxqabadkii Dr. Ahmed Mohammed Mohammoud Kulmiye (Ahmedwarsheik).

0
Tuesday November 05, 2013 - 20:45:23 in Arrimaha Bulshada by Web Admin
  • Visits: 3713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tariikhdii iyo waxqabadkii Dr. Ahmed Mohammed Mohammoud Kulmiye (Ahmedwarsheik).

    Dr. Ahmed waxa oow ku dhashay Degmada Warsheik. Waxbarshadii Diinta Islamka, Quranka Kariika, luqada carabiga iyo culuumta kale ee Islamiga sida Naxwaha Carabiga, tafsiirka quranka, Cilmiga fiqiqa waxa oow ku qaatay Kuliyadii diinta ugu weyneed ee ko

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Ahmed waxa oow ku dhashay Degmada Warsheik. Waxbarshadii Diinta Islamka, Quranka Kariika, luqada carabiga iyo culuumta kale ee Islamiga sida Naxwaha Carabiga, tafsiirka quranka, Cilmiga fiqiqa waxa oow ku qaatay Kuliyadii diinta ugu weyneed ee konfurta Somalia (Kuliyadii Diibnta ee Sheikh Abdi Omar) Degamda Warsheekh. Dugsiga Hose dhexe ee Sheikh Suufi ee magadla Mogadishu ayoow ka baxay 1979kii. Dugsigisii sare waxa oow ku qaatay "Jeneral Daud Secondry Skool" ee Magalada Mogadishu 1980-1984tii. Laba sano Gurmad military waxa oow kusoo qaadatay Dugsiga tababarka Xalane, Hillweyne, Dayniile sanadihii 1985-1986dii.

Kadib sanadkii 1987 waxa oow shaqo ka bilaabay Wasaaradii Qorsheynta Qaranka iyo hurumarinta Dooxada Jubba. Xiligii Dagaalada sokeeye wadanka kabiloowdieen sanadkii 1989kii Ahmed waxa oow ka mid ahaa dhalinyardii ka dhooftay wadanka ee aaday dibada gaar ahaan Dalalka yurub Skandinavien Sweden. Ahmed markii oow wadanka ka dhoofayey waxa oow ku had iyo qoralba yaqiin luqada Hooyo kasokow Engriiska, Carabiga iyo Talyaniga. Nasiib daro Ahmed furasada uma samixin inoow tago wadan ka mid ah wadamada oow luqadooda horey u yaqiin. Waxaa nasiibkiisa noqday Sweden oow luqadeeda marnaba ama weligiiba oow maqal kuna hadlin. Dadlaalkii Ahmed iyo kartidiisa iyo aqoonta oow ulahaa luqadaha kale waxa ay ufududeeysa inoow barto luqadii Swedishka kana gaaro heer Jamacadeed. Ahmed waxa oow ku noqoday Dugsigii sare oow horey uga soo baxay markale isagoo ku baranayo maadooyinka cilmiga luqada Swedishka.

Waxa oow Ahmed daadalaba waxa ay ku qaadatay inoow fadhiisto fasalka Jamacada Magalad Gothenburg (Gothenburg University) ee dalka Sweden mudo 10-sanadood ah. Ahmed waxa oow bilaabay jamacada bartamihii sanadkii 2000. Waxa oow kasoo qalinjabiyey bilowgii 2005tii. Ahmed waxa oow baratay cilmiga ”Xiriika Calamiga, Hurumarinta iyo wada shaqeynta Ururada Calamniga iyo Barasha cilmi barsiata Afrika (African study)”.


Waxqabadkii Dr. Ahmed Mohammed (Ahmedwarsheik)

·Mashrucii "Change the bullet to the boll” sandkii 2002dii degamda Warsheik. Kasoo ahaa in laga wacyigeliyo dhalinyarada dagalada sokeeyo loona abuuro furasdo waxbarasho iyo shaqo. Waxaa kaloo mashruucaasi ku jiray dhismaha asaaska "Garoonka Kubadda Cagta ee degmada Warsheikh oo loo magac daray Ayuub Sh. Abuukar Macallin tababarahii Kooxda kubadda cagta Qaranka Somaliyeed” Mashuucaane waxaa maageliyey Xarunta dhexe ee Heyadaha ka shaqeeya dibada ee dalka Sweden "Forum Syd”.

·Dhismihii Dugisga Hoose dhexe ee "Hiraabe Calasow” ee degmada Warsheik sandkii 2003dii oo ay maalgelisay European Union fulisayne Heyada Intersos Italy.

·Mashruucii waxbarasha Kaluumeysiga casriga ah oo lagu qabtay Degamda Warsheikh 2003dii dhamadkiisa iyo bilowgii 2004tii. Waxbarshadaasi oo aheed mudo 6-bilood. Waxaana wax ku baratay dhalinyaro gaarayo ill 100. Mashuucaane waxaa maageliyey Xarunta dhexe ee Heyadaha ka shaqeeya dibada ee dalka Sweden "Forum Syd”.

·Mashrucii Ababulka ISkaashatada Kaluumeysiga Degmada Warsheik. Kasoo ahaa mid lagu ababulayey ISkashatada Kaluumeysiga Degamda Warsheik sandkii 2005.Markasoo ay sameeyeen Dr. Ahmed iyo Nin Swedish ah Tomas assessment. Mashuucaane waxaa maagelyey Xarunta dhexe ee Heyadaha ka shaqeeya dibada ee dalka Sweden "Forum Syd”.

·Mashruuca biya gelinta Degamda Warshiikh sandkii 2005. Mashuucaane waxaa maageliyey Xarunta dhexe ee Heyadaha ka shaqeeya dibada ee dalka Sweden "Forum Syd”.

·Mashruucii Macallin Dugsiga Hirabe Alasow oo laga soo diray dalka Sweden. Macallinkaasoo kashaqeeynayey skolka mudo laba sandood laga bilaabo bartamihii 2005tii ilaa bartamihii 2007dii. Mashuucaane waxaa maageliyey Xarunta dhexe ee Heyadaha ka shaqeeya dibada ee dalka Sweden "Forum Syd”.

·Mashrucii "Pett2 Employment Promotion though Training” 2008-2009. Mashruucasoo ay Maalgelisay European Union xafiiska Somalia. Mashruucani oo Wejiga kowaad lag hirgeliye Mogadishu, Jowhar, Warsheik. Wejiga labaad waxa oow ugudbay Degmooyinka Cadale, Mahaday iyo Jalalaqsi.

·Mashruuca "Peace of Culture phase one” 2012-2013 and Phase two 2013-2014. Mashuucaane waxaa maalgeliyey Xarunta dhexe ee Heyadaha ka shaqeeya dibada ee dalka Sweden "Forum Syd”.

 

http://facebook.com/ Drahmedwarsheikh @ahmedwadan

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip