Maxaa laga baran karaa Qilaafki Kulmiye iyo Heshiiski ka dambeeyay

0
Thursday October 22, 2015 - 00:00:05 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa laga baran karaa Qilaafki Kulmiye iyo Heshiiski ka dambeeyay

    Garabyadii ku loolamayay murashaxnimada xisbiga Kulmiye ayaa ka heshiiyay arrimihii lagu muransanaa kaddib kulammo labadii dhinac ee uu xisbigani u kala jabay ay gooni-gooni ula yeesheen madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garabyadii ku loolamayay murashaxnimada xisbiga Kulmiye ayaa ka heshiiyay arrimihii lagu muransanaa kaddib kulammo labadii dhinac ee uu xisbigani u kala jabay ay gooni-gooni ula yeesheen madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo.


Labada garab ee ku loolamayey musharaxnimada Kulmiye dhexdiisa ayaa xal siyaasi ka gaadhay khilaafkooda, isla markaana xisbiga dhexdiisa isla qaatay in wixii khilaaf keeni kara laga fogaado.

Shir ay isugu yimaadeen labada garab ee maalmahaan dambe warbaahinta isku marinayey dhaliilaha ayaa markii madaxweyne Siilaanyoyimid kulan ay la yeesheen isku waafaqeen in xisbiga dhexdiisa ka dhaco tartan xor ah.

"Waxaa lagu heshiiyay in xisbigii Kulmiye xisbigiisii yahay, in hogaankiisu sidiisii yahay, shaqadii socotayna wixii la qabtay dib loo eegi karo, cida hawshaas qabanaysa ee dhamey-stiraysaana tahay hogaanka xisbiga, waxaana lagu kordhiyay Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo la talinaya,” ayuu yidhi wasiirka warfafinta C/laahi Cukuse, waxaanu intaas ku daray "Hawsha waxaa qabanaya guddoomiye xigeenka 1-aad Max'ed Kaahin, guddoomiye xigeenka labaad Xildhibaan Waabeeye, kuxigeenka saddexaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo xoghayaha guud Xasan Siciid. Arrinta odhanaysa madaxweynaha ayaa guddi magacaabay waxba kama jiraan. Madaxweynuhu wuxuu ku dedaalay in xisbigu isku soo dhawaado, hogaanka xisbigana aan waxba laga bedelin ee saaxad dimuqraadi ah loo abuuro. Saaxaddaas dimuqraadiga ah ee golaha dhexe musharaxiintu ay ku tartami karto,”.

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ayaa sheegay in mar kasta oo kulmiye is khilaafo dib u heshiiyaan, waxaanu yidhi "Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa saaxiibadayada naga yara cadhooday ee aanu soo ladqabaysanay oonu is fahanay, waa inoo midnimadii Kulmiye. Waa inoo tartan xalaal ah,”

"Waxaa farxad noo ah anagoo gabi ahaantayo ogol in meesha Kulmiye la yiraahdo ahaado xisbi xaakimkii, in midnimada xisbigu muqadas naga tahay, in nabada wadanku muqadas naga tahay, inaanu jecelahay tartan xalaal ah oo xor ah oo loo siman yahay inuu dhaco. Anigoo musharax Kulmiye ah waxaan caddaynayaa in dhammaanto aanu isku raacnay in tartan xalaal ah uu dhaco,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiga KULMIYE ayaa maalmihii u dambeeyey u kala jabay garab garab, kuwaas oo eeddo culculus hawadda isku marinayey, haseyeeshee xaraaradii kulmiye waxay hoos u degtay ka dib markii madaxweynuhu yimi, isla markaana kulamo la yeeshay dhinacyadii xisbiga isku hayay taasina ay keentay inay ku heshiiyaan inay galaan doorasho dimuqraadi ah oo lagu tartamayo golaha dhexe ee xisbiga.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip